4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2013
Xoogsato tiradoodu ka badan tahay toban qof oo ku dhintay Kaawo kula soo duntay Duleedka Bari ee Degmada Karaan

Jimco, September 20, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 11-qof oo ka mid ah dadka ka xoogsada jabinta kaawooyinka dhagaxa ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii shalay kaawo ay qodayeen ay kula duntay duleedka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Cali Cosoble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadkii ku jiray goobta ay ahaayeen 16-qof oo doonayay inay halkaas ka raraan dhagax iyo laba gaari oo dhagaxdii lagu raray, balse uu si lama filaan ugu dumay.

“Markii ay nasoo gaartay in shilku uu dhacay waxaan u fidinnay gargaar deg-deg ah, waxaana halkaas kasoo saarnay 11-qof oo dhintay iyo shan kale oo dhaawacyo kala duwan qaba ayaa laga soo saaray godka,” ayuu yiri Cali Cosoble oo ah guddoomiyaha degmada Kaaraan.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in dhaawacyadu ay yihiin kuwo aad u daran, balse ay nasiib-wanaag tahay in iyagoo nool la helo, isagoo xusay in halka laga soo saaray dhaawacyada ay tahay meel aad u hoosaysa.

“Kaawooyinka waxaa laga qodaa dhul aad u hooseeya oo 50 illaa 60 mitir hoos u qodan, taas ayaana khatarta ugu badan ku keenta dadka ka shaqeeya. Shilkii shalay dhacayna wuxuu ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee waayadan dambe la xusuusto,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Kaaraan.

Dhanka kale, mid ka mid ah xoogsatada ka shaqeyta kaawada ayaa isaguna sheegay in dhibaatooyin badan ay kala kulmaan qodista dhagaxa, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiid, isagoo sheegay inay markii hore kaalmo ka heli jireen dowladdii dhexe ee Soomaaliya, balse wixii ka dambeeyay burburkeedii aysan jirin cid ay kaalmo ka heleen.

Godadka kaawooyinka laga qodo ayaa waxaa loo qodaa si hoose, iyadoo tani ay ay qayb ka tahay waxyaabaha khatarta badan keena dadka xoogastada ah ee ka shaqeysta jabinta kaawooyinka laga soo saaro dhagaxaanta lagu dhiso guryaha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya