4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2013
Dowladda Hoose ee Hargeysa oo Heshiish la Saxiixatay Shirkad Caalami ah oo ku Takhasustay Dabdamisyada (SAWIRRO)


Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Dalka   Switzerland , kaas oo dalka u yimid sidii ay daraasad ugu samayn lahayeen baahiyaha xaga dabdamis ah oo baahi weyn ay u qabto caasimaddu.

Weftigan oo uu hogaaminayey khabiir dhinaca dabka ah, isla markaana ah ninka labaad ee ugu sareeya shirkadda dab dabdamiska  caasimadda Zurich ee dalka Switzerland ayaa booqasho ku tagay toddoba goobood oo ay u calaamadiyeen Maayarka Hargeysa in la dhigo kooxaha gurmadka dabka iyo gaadiidkoodda.

Maayarka ayaa khabiiradan ka socda dalkaasi  uga xog waramay baahidda weyn ee ay u qabaan dabdamisyo caasimadda ku filnaadda, waxaanu sheegay in khaasaare badan gaadhsiiyey dabkaasi maadaama oo aanay ku filnayn dabdamis dawladda hoose yaalla.

Mr. Alex Handke oo ah khabiir kasocda shirkadda dabdamiska ee GU SICHERHEIT ee ugu weyn Switzerland, isla markaana ah taliye ku xigeenka dabdamiska caasimadda Zurich, ayaa booqday toddoba goobood oo ku kala yaalla Hargeysa, kuwaas oo loogu talogalay in la dhigo kooxaha gurmadka ah ee Hargeysa ka hawl gali donna.

Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiramaan SOLTELCO), ayaa warbaahinta uga waramay kulankan dhexmaray isaga iyo weftigan, waxaanu sheegay inay ka wada hadleen sidii caasimaddu loogu heli lahaa marka ay dhacaan dab yimaado in degdeg loogu gurmado, waxaanu sheegay inay ka dhisamaan todoba goobood oo looga gurmana karo, isla markaana shirkadani ka caawin doonto qaabka loo samaynayo iyo tobabarada shaqaalaha dabdamiska ah.

“Wafdigan noo yimid wuxu iskugu jiray laba qaybood, HADIYA Medical Asaisation  oo Switzerland laga leeyahay oo ah hay’ad khayriya gacantana ku haysa cisbitaalka Gabiley iyo shirkad dabdamiska ah oo Switzerland laga leeyahay waxa ay qiimeyn ku samanaynaa dabdamiska aynu u baahanahay” ayuu yidhi maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, waxaanu intaas ku daray “waxaana la samaynayaa baahidda dhabta ah ee dabdamis ee caasimadda Hargeysi u baahan tahay, waxa jira wejigii kowaad ee lacagta lagu soo iibinayo dabdamiska waanu haynaa, oo madaxweynaha badh bixiyey, badhna dawladda hoose iyo ganacsatadda,wejiga labaadna qaadhaan caalami ayaa lagu soo ururin doonnaa oo bixin donna”

“Imika wafdiga waxaa la socda nin Injineer ah oo ku takhasusay dabka oo bartay cilmiga Chemestry-ga, waana ninka labaad ee magaaaladad Zurich oo ah magaalooyinka ugu waaweyn ee wadankaasi”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Maayarku waxa uu sheegay in illaa shan goobood loogu tallogalay in la dhigo iyo xarun dhexe oo la dhigi doono badhtamaha magaaladda si gurmad degdeg ah loo heli karo “waxaana ugu tallogalnay xarun dhexe oo ay joogaan illaa toban dabdamis iyo afar xarumood oo kale oo dabdamis oo magaalada kooneyaashoodda ah la dhigi doono oo midkiiba laba gaadhi aanu ugu talogalnay inay joogaan iyo kooxihii u qaabilsana dabdamiska”ayuu yidhi.

Maayarka ayaa sheegay in bishii June ilaa August ay magaaladda ka dhaceen 17 dab taas khasaarooyin dhaliyey, waxaanu sheegay inay ka wada shaqayn doonaan hay’adaha dawladda iyo dawlada Hoose sidii gurmad degdeg ah loo samayn lahaa.

Waxa kale oo uu shacabka usoo jeediyey inay ilaashaadaan dabdamisyada isla markaana marka uu dab dhaco ee uu habsaamo aanay dadku shiid kaga hortagin ee ay soo dhoweeyaan maadaama oo awood badan aanay lahayn dabdamisyada Dawladda hoose hadda yaalla.

Dadweynaha Hargeysa ayaa si weyn ugu baahan dabdamis markiiba u gurmadda goobaha dabku qabsaday, waxaanay heshiishkan shirkadda Dabmiska iyo dawladda Hoose wada gaadheen rajo ku abuuraysaa dadweynaha oo aad ugu baahan dabdamis degdeg ugu soo gurmadda goobaha gubtay.

Dhinaca kale, waxa maayarka xadhiga ka jaray sariibaddo cusub, waxa kale oo dhagax dhigay wadooyin cusub oo laga hrigalin doono magaaladda Hargeysa.



Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland