4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2013
Kulan lagu taageeray heshiiskii Itoobiya ku dhexmaray Dowladda Somalia & Maamulka Jubba oo Muqdisho ka dhacay (SAWIRRO)


Isniin, September 02, 2013 (HOL) — kulan ay kasoo qayb-galeen odayaal-dhaqameed, siyaasiyiin, xildhibaanno, dhallinyaro iyo haween ka kala socday bulshada qaybaheeda kala duwan laguna taageerayey heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ay dhawaan ku kala saxiixdeeen xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Xildhibaan, Cabduqaadir Maxamed Aadan iyo xildhibaan Xuseen Maxmed Baantuu oo ka mid ahaa wafdigii dowladda uga qayb-galay shirkaas ayaa faahfaahin dheer ka bixiyay qaabka uu heshiiskaas ku yimid iyo faa’iidada uu u leeyahay ummadda Somaaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubbooyinka nool.

Sidoo kale, waxaa halkaas khudbado taageero ah ka jeediyay hoggaamiye dhaqameeydyadii kulanka ka qaybgalay oo ay ka mid ahaayeen, Maxamed Xasan Fiqi, Maryan Maxamed Xasan iyo kuwo kale.

Gaba-gabadii kulanka waxaa ka hadlay guddoomiyaha guddiga xiriirka Jubbooyinka, Cabduqaadir Xaaji Maxamed (Suldaan Luga-dheere) oo ku dheeraday faa’iidada uu leeyahay heshiiskan; isagoo xusay inay taageereen ayna u mahadcelinayaan dhinacyada heshiiska gaaray.

Suldaanka ayaa ugu baaqay beelaha deegaannada Jubbooyinka inay soo dhaweeyaan hesiiskan oo ay taageeraan, wuxuuna mahad gaar ah u celiyay dowladda Itoobiya oo gacanta hagar la’aaneed ka geysatay taabba-galinta heshiiskan. Isagoo sidoo kalena u mahadceliyay ururrada IGAD, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub iyo dhammaan intii gacan ka geysanaya heshiiska.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ee kulanka ka qaybgalay ayaa iyaguna soo dhaweeeyay heshiiskan, waxaana dhawaan la filayaa in shirar kale oo daba-socda heshiiskan uu ka dhaco magaalada Muqdisho.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya