4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ka furay Shir-weynaha Qaranka ee Geeddi Socodka Siyaasadda Dalka (SAWIRRO)


Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka furay Muqdisho shirweynaha Qaran ee geeddi socodka siyaasada dalka iyo higsiga sanadka 2016-ka, waxaana ka qeyb galaya ergo ka kala timid gudaha dalka iyo dibadiisa.

Furitaanka shirweynaha oo socon doona muddo illaa lixda bishan September ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano, wasiirro, ergooyinka isaga kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa, wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, dublamaasiyiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirweynaha Qaran ayaa u mahad-celiyay ergooyinka Soomaaliyeed ee meelaha fog-fog uga yimid ka qayb-galka shir-weynaha Qaran ee looga hadlayo geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya.

“Waxaan rajeynaynaa in sannadka soo socda uu noqdo mid ka wax-qabad wanaagsan sannadkii ay jirtay dowlada Soomaaliya. shacabkuna ay xor u yihiin fikirkooda, loona baahan yahay in loo madax-bannaaneeyo oo aan la caburin,” ayuu madaxweynuhu ku yiri hadalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu soo maray marxalado kala duwan, meesha maanta la joogana ay tahay mid laga sii socon karo, lagana soo gudbay marxaladii adkaa oo uu dalka soo maray.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay horay shirar kala duwan ugu soo qabatay magaalada Muqdisho , kuwaasoo ay ka mid yihiin shirki garsoorka iyo dib u habeynta waxbarashada, shirar kalana ay qaban doonto. Isagoo xusay in shir-weynahan uu yahay mid muhiim ah oo looga hadlayo mustaqbalka siyaasadda dalka.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in talooyin ay uga baahan yihiin dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Soomaaliya ay dib u soo kaban karto, loona baahan yahay in laga wada-shaqeeyno sidii uu dalka horey ugu sii socon lahaa oo aanan dib loo eegin waxyaabihii la soo maray.

Isagoo ka hadlay arrimaha federaalka ayuu sheegay in la doonayo in la isku af-garto sida dalka federaal looga dhigi lahaa - si loo dhaqan-galiyo, maadaama horey loogu heshiiyay, wuxuuna ku baaqay in aanan lagu kala qaybsamin arrimaha federaalka.

Dhanka kale, wuxuu caddeeyay in dowladda ay go’aan tahay in marka ay u dhammaato afarta sano ee ay shaqeynayso aysan dalban muddo kordhin kale iyo inaan odoyaasha Soomaaliyeed mar kale laga dhibin inay soo xulaan baarlamaan uu dalku yeesho, balse ay dalka ka dhici doonto doorasho marka la gaaro 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu aad ugu kalsoon yahay in ergada ka qayb-galeysa shir-weynaha Qaran ee geedi socodka siyaasada Soomaaliya iyo hiigsiga sanadka 2016-da ay sameeyaan aasaas wax laga billaabi karo iyo inay soo saraan natiijooyin wax ku ool ah.

Guddoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur oo isna ka hadlay ayaa ergada kusoo dhaweeyay Muqdisho isagoo ku boorriyay inay gacan ka geystaan dib u hanashada qaranimada Soomaaliya, wuxuuna madaxweynaha iyo xukuumadda Soomaaliya ugu hambalyeeyay fikirka ay keeneen oo ah sidii siyaasadda dalka lagu hagaajin lahaaa.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, Nicholas Kay ayaa sheegay in beesha caalamka aysan danayn jirin Somalia, laakiin labadii sano ee la soo dhaafay ay u soo jeesatay, taasna ay marqaati u yihiin shirarkii lagu qabtay dalalka Turkiga, Ingiriiska, Mareykanka iyo Japan.

Qurbo-joogta Soomaalida ayuu ugu baaqay inay dalkooda dib ugu soo laabtaan oo ay ka qayb-qaataan dib u dhiska dalka iyo horumarkiisa, isagoo sheegay in Soomaaliya ay hadda ku taagan tahay jidkii horumar ay ku sameyn lahayd ayna dib ugu dhismi lahayd.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in UNSOM ay dhawaan xafiisyo ka furan doonto qaar ka mid ah gobollada dalka. Isagoo intaasku daray in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin waddaniyiin loogana baahan yaha inay dalkooda dib u dhisaan si uu uga baxo dhibaatadii uu ku soo jiray muddada dheer.

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiiradda arrimaha dibada Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa u mahad-celisay ergada shirkan kasoo qayb-gashay. Iyadoo hadalkeeda ku dartay in ujeedada shir-weynaha Qaran ay tahay dhameystirka habka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo tilmaantay in loo baahan yahay in si wanaagsan dastuurka looga baaraan dago.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya