4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2013
Munaasabad daaha looga furayay biyo-gelinta Degmada Buuhoodle oo lagu Qabtay Hoteel ku yaalla Magaaladaas (SAWIRRO)


Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Munaasibaddan oo ay kasoo qayb-galeen waxgaradka, ganacsatada, madaxda dhaqanka iyo dadweyne badan ayaa waxaa halkaasi warbixnin ka jeediyay, C/rashiid Jaamac Biixi oo ah madax ka ah ururka SRO oo isagu biyo gelintan fulinaya.

Biixi wuxuu sheegay in hay’adda UNICEF ay tahay tan mashruucan maal-gelinaysa, waxaanu intaas raaciyay in ay muhiimadda xooga leh siinayaan meelaha dadka dan-yarta ahi ku nool yihiin siiba goobaha barakacayaasha oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa ugu baahida badan.

Madax dhaqameedkii halkaasi ku sugnaa oo ka mid ahaa, Garaad Saleebaan Buraale ayaa wuxuu soo dhaweeyey hawshan oo uu ku tilmaamay mid si aad ah loogu baahnaa, waxaanu ballan-qaaday inay la shaqayn doonaan hay’adaha fulinaya.

Qaar badan oo ka mid waxgaradka Buuhoodle ayaa ku tilmaamay hawshan mid lagu tilmaami karo guushii ugu weyneyd ee magaaladaasi soo gaadhay waxaanay qaarkood ballan ku qaadeen inay tabaruc ku shaqayn doonaan.

Mashruucan ayaa ah mid si aad ah hadal-hayntiisa bilihii u danbeeyay looga maqlayey magaalada Buuhoodle, waxaase dad badani is-weydiinayaan sida uu ceelkan u kafayn doono magaaladda Buuhoodle oo hadda in ka badan boqol kun oo qof ay ku nool yihiin.

Sidoo kale, waxaa magaaladaas ku nool noolo fara badan kuwaasoo qayb ka noqonaya nafleyda cabaya ceelkan, iyadoo tani ay ka kaafin doono dadka ku nool magaalada biyihii roobka ee ay ku kaydsan jireen baraagaha.






Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool