4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2013
Qarax lagu dilay ruux ka mid ah Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo xalay ka dhacay Degmada Shibbis ee Gobolka Banaadir

Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Qarax miino oo lagu dilay mid ka mid ah shaqaalaha ka howlgala magareeshinka Soomaailya ayaa xalay ka dhacay degmada Shibbis ee gobolka Banaadir, iyadoo aan la ogeyn kooxaha dilkaas geystay.

Mas’uulkan ka dilay oo lagu magacaabi jiray , Qaasim Xasan Taakoow ayaa la sheegay inuu saranaa gaari kuwa raaxada ah, waxaana dilkan uu kusoo beegmayaa iyadoo isla degmadaas lagu dilay bishii hore farsamayaqaankii idaacadda iyo telefishinka dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in markii uu qaraxu dhacay ay goobta soo gaareen ciidammo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM, ayna halkaas ka sameeyeen baaritaanno.

Inkastoo aysan jirin cid loo qabtay qaraxaas ayaa haddana mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa hay’adaha ammaanka waxay qaraxyada noocan oo kale ah ku eedeeyeen Al-shabaab oo dagaal kula jirta.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qosheysan oo lala beegsanayo shaqaalaha iyo askarta dowladda Soomaaliya tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxeen oo laga joogo muddo laba sano.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay sameynta guddi gaar ah oo ka shaqeynay ammaanka guud ee dalka, kaasoo uu isagu madax u yahay.

Dhanka kale, waxaa qaraxaan uu imaanyaa iyadoo lagu wado in maanta uu ka furmo magaalada Muqdisho shirweyne dib u heshiisiineed oo looga hadlayo siyaasadda guud ee dalka iyo sidii lagu baahin lahaa federaaliisimka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya