4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2013
Al-shabaab oo sheegtay inay Qabatay lacag been abuur ah oo lasoo geliyay Gobolka Shabeellada Hoose iyo Ganacsadihii watay

Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Xarakada Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, Sheekh Maxamed Abu Cabdalla ayaa maanta sheegay in howlgallo ay sameeyeen ciidamada amniga ee gobolkaasi ay kusoo qabteen lacago faalso ah iyo ganacasadihii soo geliyay gobolka.

Sheekh Abu Cabdalla ayaa xusay in lacagta oo ahayd 20-milyan oo Shillin Soomaali ah laga keenay magaalada Muqdisho, ayna tallaabo adag ka qaadi doonaan ganacsadihii lagu qabtay iyo dadka ku lugta lahaa in degmooyinka gobolakas lasoo geliyo.

“Howlgal ay sameeyeen ciidamadeenna amniga ayaa waxaa lagu soo qabtay lacag faalso ah iyo ganacsadihii watay, runtii lacagtaasi waxay dhib ku tahay ganacsiga iyo nolosha shacabka,” ayuu yiri Abu Cabdalla.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in lacagtan ruux ganacsade ah oo Muqdisho ka keenay ay kusoo qabteen, kaasoo uu sheegay inuu lacagtan si qarsoodi ah kusoo geliyay Jannaale, Buulo-Mareer iyo Qoryooley.

“Lacagtan faalsada ah waxan ku qabanay Nin ganacsade ah oo gacanta lagu dhigay isagoo ku sugan hoteel ku yaal Buulo-mareer markii arritan aan ka weydiinnay su’aalo wuxuu noo sheegay in 20-malyan oo lacago faalso ah uu kala soo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho kaddibna uu u soo qaaday Jannaale illaa markii dambe ay lacagtu si qarsoodi ah ku gaartay suuqyada Qoryooley iyo Buulo-mareer,” ayuu Abu Cabdalla hadalkiisa ku daray.

Ganacsatada sarifka iyo kuwa dalagyada ka daabula suuqyada gobolka ayaa la kulmiyay kaddibna waxaa lagu guuleystay in lacagaha faalsada ah laga soo ururiyo suuqyada, laguna wado in fagaarayaal ku yaalla magaalooyinka lagu soo qabtay lagu gubo maalmaha soo socda.

Gobollada Hiiraan iyo Galguduud ayaa bishii lasoo dhaafay laga mamnuucay isticmaalka lacagaha been abuurka ah, kuwaasoo qiimaha sarifka iyo weliba ganacsiga ku keenay sicir barar xooggan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya