4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan oo soo Dhaweeyay Shirkii Dib-u-dhiska Somalia ee kusoo dhamaaday Magaalada Brussels

Talaado, September 17, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa si weyn u soo dhoweeyay shirkii hiigsiga cusub ee shalay kusoo dhamaaday magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka, kaasoo uu soo qaban-qaabiyay Midowgga Yurub.

Ku-xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan Xusseen Cismaan Cali ayaa sheegay in maamulka gobolka Hiiraan si weyn u soo dhoweynayo shirka iyo sida loo soo agaasimay, isaga oo ku tilmaamay in uu ahaa shirkii  ugu horeeyay ee noociisa ah oo loo qabto Soomaalida.

''Aad ayaan raali uga nahay shirka ku soo dhamaaday magaalada Brussels waa shirkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo loo qabto qeybaha Soomaalida oo dhan,

waayo shirarkii hore baahida ka jirta gudaha waxaa jaangoyn jiray dowladaha deeq bixiyayaasha, laakiin hadda dowladda Soomaaliya oo ay weheliyaan mas'uuliyiinta maamullada gobollada dalka iyaga laga dhageysanayay dhinacyada ay u baahan yihiin in laga taageero,'' ayuu yiri ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Xusseen Cismaan Cali.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in dhinaca maamulka gobolka Hiiran uu uga qeyb galay shirka Brussels guddoomiyaha maamulka Cabdi Faarax Laqanyo oo ka mid ahaa wafuuddii gobollada ee ka qeyb gashay shirkii shalay kusoo dhamaaday magaalada Brussels.

“Dhaqaalaha shirka lagu yaboohay waxaan is leeyahay waa mid wax weyn ka tari doona barnaamijyada hormarineed iyo dib-u-dhiska dalka muddada sadexda sano ah ee soo socta, gaar ahaan nabad-galyada, waxbarashada, caafimaadka iyo dib-u-hagaajita hay'adaha cadaaladda iyo garsoorka, sidaa daraadeed dhinac kasta annaga ka maamul ahaan waan soo dhoweyneynaa shirka Brussels.

Ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay xilligan in ay ka faa'iideystaan u heelanaanta caalamka oo xilligan u soo jeeda sidii ay wax badan ula qaban lahaayeen Soomaalida, oo mudo ka badan 22 sano ku soo jiray bur-bur laga dhaxlay dagaalladii dalka ka dhacay.

Dhinaca kale shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa saacadihii ugu danbeeyay si weyn u hadal hayay shirka ku soo dhamaaday magaalada Brussels, waxaana muuqata in intooda badan ay soo dhoweeyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya