4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2013
RA’IISUL WASAARE SAACID: “Natiijada kasoo baxday Shirkii Brussels waa tallaabo horay loogu qaaday dib-u-dhiska Somalia”

Talaado, September 17, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si weyn u soo dhaweeyay shirkii taariikhiga ahaa ee higsiga cusub ee Soomaaliya (New Deal) oo shalay lagu soo gaba-gabeeyey magaalda Brussels ee dalka Beljamka.

Shirka (New Deal) ayaa muhiimad gaar ah u lahaa Soomaaliya waxaa ka qayb galay wakiillo ka kala socda in ka badan kontan dal, waxaana shirkaas looga yaboohay deeq gaaraysa 1.8 bilyan Euro, oo u dhiganta 2.4 bilyan doolar, waxaa sidoo kale si buuxda loola qaatay dowladda Somalia sidii ay qayb uga siin lahayd shacabka Soomaaliyeed talada barnaamijkan, kaasoo lagu soo koobay waxyaabaha ay mudnaanta siinayso saddexda sano ee soo socota.

Higsiga cusub waaa shir la doonayo in wax looga qabto arrimaha bulshada, dib-u-dhiska dalka, dib u soo celinta amniga, iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

“Shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Brussels waa tallaabo horay loogu qaaday dib-u-dhiska dalka, waana qorshe Soomaaliyeed. Waxaa dadaal loo galay bilihii ugu dambeeyay in laga qayb galinayay taladiisa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaa kale oo farxad ah in caalamku garwaaqsaday in dowladda Soomaaliya ay awood u leedahay maaraynta dhaqaalaha loogu deeqay, taasoo tusaale loogu soo qaadan karo habkii casriga ahaa ee dowladdu u dajisay deeqdii ka timid dalka Norway ee loo qoondeeyey in lagu bixiyo mushaharaadka shaqaalaha rayidka ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku daray in saddexda sano ee soo socota qorshaha dowaladda u yaalla aysan ku filnayn yabooha hadda la sameeyay, balse ay ka filayaan caalamka gacan taas ka weyn.

Higsiga cusub wuxuu ahmiyad siinayaa in dhaqaalaha loogu yaboohay dalka Soomaaliya lagu hormarinayo dhammaan gobollada dalka, iyadoo wax looga qabanayo dib-u-dhiska waddooyinka, horumarinta iyo kobcinta beeraha, xoolaha, waxbrashada, iyo caafimaadka.

”Aad ayaan ugu faraxsannahay dadaallada kala duwan ee dowladdu ugu jirto sidii looga fa’iidaysan lahaa qorshaha higsiga cusub ee Soomaaliya, kaasoo ahmiyad gaar ah siinaya xasillinta dalka, habaynta garsoorka dalka, sare-u-qaadista maamulka iyo maareynta lacagaha iyo dib u soo kabashada ilaha dhaqaalaha,” ayuu Saacid hadalkiisa ku daray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya