4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2013
Kulan lagu taageerayay fatwadii laga soo saaray shirkii culimada oo Maanta lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Kulan lagu taageerayay fatwadii laga soo saaray shirkii culumaa'uddiinka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu dalbaday in la dhaqan geliyo qodobbadii kasoo baxay shirkii culimada ee shanta maalmood ka socday Muqdisho.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa ka qayb galay mashaa’ikh kala duwan, iyagoo sheegay inay u dhaqan gelin doonaan qodobbadaas sida waafaqsan shareecada Islaamka.

Sheekh C/qaadir Soomow oo ugu horreyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay ayidayaan fatwada laga soo saaray shirkii culimada Soomaaliyeed ay ku yeesheen Muqdisho, isagoo xusay inay rajeynayaan inay noqdan kuwo dhaxal-gal ah.

"Waxaan taageersannahay soona dhaweynaynaa fatwadii kasoo baxday shirkii culimada, waxaanna rajeynayaa in miraha shirkaas ay Soomaalidu guran doonto dhawaan. Aragtiyaha shirkaas qayb ayay ka ahayd Ahlusunna, go'aannadii laga qaatay Al-shabaab waa taageereynaa, culummadu waxay isku raaceen in Al-shabaab ay yihiin cadawga dadka, diinta iyo dalka, hadday fiiriyeen Qur’aanka iyo in dhaqankooda uusan mid Islaam ahayn,” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay Sheekh Muuse Macallin Axmed oo isna codkiisa ku biiriyay inay taageerayaan fatwada culimada, isla markaana ay ahayd markii ugu horreysay oo mashaa’ikh isaga timid gudaha dalka iyo dibadda ay shir noocan oo kale ah ku yeeshaan Muqdisho.

"Fatwadii ugu horreysay waxaa kasoo saaray Cali Bin Abii Daalib oo gartay dhibka nimankii khawaarijta ahaa aadna ula dagaalamay, fatwadani ma cusba, balse waa wanaagsan tahay in culimadu ay shiraan oo fatwo soo saaraan, runtiina mowiqf muhiim oo la qaatay ayuu ahaa," ayuu yiri Sheekh Muuse Cagaweyne.

Sheekh Axmed Shuqul oo isna hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan geliyo fatwada, isagoo xusay inay marka hore tahay in shacabka, culumada iyo dowladduba ay  meel uga soo wada jeestaan Al-shabaab, arrintaasoo uu tilmaamay inay tahay ah midda looga adkaan karo.

"Tani waa markii ugu horreysay oo culimada Soomaaliyeed ay go’aan ay ku mideysan yihiin oo Al-shabaab looga hortagayo soo saaraan, waxaana loo baahan yahay inay shacabku maqlaan codkaas, dowladda iyo culumada iyo qaybaha bulshada ay wadashaqeyn yeeshaan, waana muhiim in mowqif adag laga qaato Al-shabaab," ayuu yiri Sheekh Axmed Shuqul.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka ka hadlay culumaa'uddiin dhowr ah kuwaasoo muujinayay sida ay raalliga uga yihiin fatwada lasoo saaray, waxayna ku baaqayeen in la dhaqan geliyo, shacabka Soomaaliyeedna ay midoobaan.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya