4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2013
NICHOLAS KAY: “Haddii Somalia ay dib u kufto Al-Shabaabna ay guulaysato Nabadgalyo darradu waxay ku baahi doontaa…”


Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay oo la hadlayay xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay Khamiistii lasoo dhaafay ayaa ammaanay horumarka ay ku tallaabsatay Soomaaliya, isagoo xusay inaan la oran karin dhibaatadii Soomaaliya way dhammaatay.

Nicholas Kay ayaa sheegay inay weli jiraan dhibaatooyin ka dhacaya meel ka mid ah Soomaaliya sida Muqdisho, isagoo tusaale usoo qaatay qaraxyadii ka kala dhacay Muqdisho iyo Kismaayo.

“Waxaanu u baahannahay in Soomaaliya laga caawiyo sidii dhibaatada ay ku jirto ay uga bixi lahayd. Inkastoo meel wanaagsan hadda la taagan yahay, haddana weli lama oran karo dhibaatadii waa laga baxay. Caalamku waa in uu taageero dadaalka loogu jiro in Soomaaliya ay horumar intan ka badan sameyso,” ayuu yiri Kay.

Sidoo kale, Kay wuxuu xusay inay jiraan caqabado badan isagoo xusay inuu ku rajo ku qabo mustaqbalka Soomaaliya, haatanna ay Soomaaliya ka jiraan asaasyadii horumarka. Wuxuuna ammaan u jeediyay dalalka Soomaaliya u fidiya taageerada si ay sharaftii dalka u soo laabato.

"Waxaan qarka u saarannahay guul weyn," ayuu yiri Kay oo intaas ku daray in golaha ay ku boorriyaan inay baaqi kusii ahaadaan xaaladda feejignaanta ah, isagoo carrabka ku dhuftay in dhibaatadu aysan wali fari ka qodnayn.

Nicholas Kay oo ah madaxa xafiiska UNSOM ee Somalia ayaa wuxuu xilka kala wareegay ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u joogay Soomaaliya, Augustine Phillip Mahiga, kaasoo muddo saddex ah ka shaqeynayay dalka Soomaaliya.

"Haddii Soomaaliya ay dib u kufto oo Al-Shabaab ay guulaysato nabadgalyo darradu waxay ku baahi doontaa laga billaabo Bomako illaa Bangui iyo sidoo kale dunida ka fog Afrika," ayuu Kay ku yiri warbixinta uu siinayay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn, Nicholas Kay wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in ay kor qaadaan taageerada la siiyo ciidamada Soomaaliya si tayadooda kor loogu qaado, sidoo kalena wuxuu ku baaqay in la  taageero howlgalka AMISOM ee Soomaaliya; si ay awood ugu yeeshaan inay Al-shabaab ka saaraan deegaannada ay dalka kaga harsan tahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya