4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2013
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Taageeray Heshiiskii ay kala Saxiixdeen Dowladda Somalia iyo Maamulka Jubba

Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Golaha ammaanka Qaramada Midoobay  ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba bishii Agoosto ee aynu soo dhaafnay, iyagoo labada dhinac ugu baaqay inay meel mariyaan qodobbadii lagu heshiiyey.

Kulan ay goluhu shalay yeesheen ayay sidoo kale ku cambaareeyeen qaraxyadii ay Al-shabaab ka geysteen bishan maqaayad ku taalla Muqdisho iyo kii lagu weeraray Sheekh Axmed Madoobe ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Xubnaha golaha ayaa warbixintooda ugu mahadceliyay dowladda Itoobiya iyo urur goboleedka IGAD oo ay sheegeen inay dadaal badan ku bixiyeen sidii heshiiskan ay u gaari lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo maamluka Jubba una saxiixi lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ayaa waxay xubnaha goluhu ugu baaqeen inay ka fogaadaan wax walba oo caqabad ku noqon kara heshiiskii ay kala saxiixdeen, ayna sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhameystiraan inta dhiman.

Sidoo kale, goluhu wuxuu xusay in iyagoo ilaalinaya xorriyadda iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya ay dhinacyada ka codsanayaan inay ilaaliyaan cunno-qabteynta dhoofinta dhuxusha ee goluhu uu horay ugu soo rogay Soomaaliya.

Dhanka kale, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay cambaareynaynaa qaraxyadii ay Al-shabaab ka geysteen xarunta Somalia ee Muqdisho iyo magaalada Kismaayo, kuwaasoo ay ku dhinteen ku dhowaad 40-qof oo isugu jirey dad rayid ah iyo askar.

Goluhu wuxuu weerarradaas ku tilmaamay kuwo argagaxiso oo dhibaato loogu geystay shacab aan waxba galabsan oo Soomaaliyeed, iyagoo xusay in qaraxyadaasi ay qayb ka yihiin dhibaatooyinka ay Soomaaliya ka geysanayaan kooxaha argagaxisada ah.

Ugu dambeyn, golaha ammaanku wuxuu taageeray howgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab iyagoo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya. Golaha ayaa ku baaqay in lasii xoojiyo howlgalka iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya