3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2013
Madaxweynaha Mareykanka oo Shaaciyay in ay sii wadi doonaan Ugaarsiga ay ku hayaan Al-Shabaab iyo Al-Qaacida

Arbaco, Oktoobar 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama oo ka hadlay weerarkii Mareykanku uu ku beegsaday guri xeebta degmada Baraawe ku yaalla ayuu sheegay inuu yahay mid ay si gaar ah ugu bartilmaameedsanayeen saraakiisha Al-Qaacida ee Afirka ku sugan.

Obama ayaa xusay in weerarradii degmada Baraawe iyo caasimadda Liibiya ee Tripoli aysan noqon doonin kuwii ugu dambeeyay ee ay xubanha ka tirsan Al-Qaacida ku beegsanayaan, balse ay sii socon doonaan, isagoo xusay inay ku beegsan doonaan saraakiishaas meel walba oo ay caalamka ka tagaan.

“Meel walba oo ay Afrika ka joogaan waan ku beegsan doonnaa saraakiisha ka tirsan Al-Qaacida, waayo dhibaatooyin ayay caalamka ku hayaan,” ayuu ku daray hadalkiisa Obama oo sheegay in weerarkii Baraawe uu isagu amar ku bixiyay.

Mar uu ka hadlay weerarkii lagu qabtay Abuu-Anas Al-Liibi ayuu sheegay in uu ahaa howlgal lagu guuleystay, balse weerarkii Baraawe ayuu sheegay in aan wax natiijo ah laga gaarin.

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dhawaan weeraray guri ku yaalla xeebta degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo gurigaas la sheegay inuu ku sugnaa sarkaal u dhashay Kenya oo Al-shabaab ka tirsan.

Sarkaalkan oo lagu sheegay magaciisa C/qaadir Maxamed C/qaadir (Ikrim) uu ahaa mas’uul tababara ciidamada Al-shabaab, iyadoo la sheegayay inuu maleegayay weerarro kale oo lagu qaado dalka Kenya.

Degmada Baraawe oo ah saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku leedahay Koonfurta Soomaaliya ayaa la geeyay ciidammo fara badan kuwaasoo ay ku sheegeen saraakiisha kooxdan inay ka hortagayaan weerarro kale oo lagu soo qaado degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/9/2013 9:03 AM EST
Arbaco, Oktoobar 09, 2013 (HOL) — Nabaddoonnada Digil iyo Mirifle ayaa u galay saldhigga AMISOM ay ku leedahay Baydhabo iyagoo ka baqdin qaba in la dilo, iyadoo nabaddoonnadan oo tiradoodu tahay 63-qof kuwaasoo aysan is-arkin caruurtooda iyo xaasaskooda.

10/9/2013 8:51 AM EST
Arbaco, Oktoobar 09, 2013 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta guddo galay doodda miisaaniyadda Qaranka ee wasaaradda maaliyaddu usoo gudbisay toddobaadkan.

10/9/2013 8:35 AM EST
Arbaco, Oktoobar 09, 2013 (HOL) — Munaasibad balaadhan oo loogu baroor diiqayo sanad guuradii kowaad ee ka soo wareegtay geeridii Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo ahaa aqoonyahan ku weyn qalbiyadda umadda Soomaaliyeed, ayaa xalay lagu qabtay magaaladda Hargeysa.

10/9/2013 8:31 AM EST
Arbaco, Oktoobar 09, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dhawaajiyay maanta in barakacayaasha ku sugan magaalada Muqdisho ay dajin doonaan xero ka baxsan magaalada, taasoo ay sheegeen inay ka heli doonaan waxyaabaha aasaaska u nolosha.

10/9/2013 8:26 AM EST
Arbaco, Oktoobar 09, 2013 (HOL) — Hadal-heynta ugu badan magaalada Beledweyne marka aad eegto xiligan waa halka ay wax u marayaan mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo ku guda jira la tashiyo ballaaran oo ku aadan dhismaha maamul cusub oo markii ugu horeysay ku imanaya hab doorasho ah.

10/9/2013 4:41 AM EST
Arbaco, October 09, 2013(HOL) :- Sheekh Max’ed Awlibaax oo kamid ahaa masuuliyintii la shaqeyn jirtay maamulka KMG ee Jubba islamarkaana xubin sare ka ah ururka Ahlusunna ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe in uu jabiyay qodobo ka mid ah heshiisyadii uu la galay dowladda Soomaaliya.

10/9/2013 4:06 AM EST
Arbaco, October 09, 2013(HOL) :- Weerar loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa xalay lagu qaaday saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

10/9/2013 3:22 AM EST
Arbaco, October 09, 2013(HOL) :- Dowladda Mareeykanka ayaa shaaca ka qaaday ujeedada ka danbeeysay weerarkii ay dhawaan ciidamada Kumaandooska dalkaasi ka fuliyeen guri ku yaal degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.