4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2013
Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in Barakacayaasha ku jira xeryaha Muqdisho la dajin doono xero ka baxsan Magaalada

Arbaco, Oktoobar 09, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dhawaajiyay maanta in barakacayaasha ku sugan magaalada Muqdisho ay dajin doonaan xero ka baxsan magaalada, taasoo ay sheegeen inay ka heli doonaan waxyaabaha aasaaska u nolosha.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf oo maanta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulku uu qorsheynayo in barakacayaasha ku nool Muqdisho ay dejin doonaan bannaanka magaalada.

“Barakacayaasha ku sugan magaalada Muqdisho waxaa la dajin doonaa xero ku taalla magaalada bannaannkeeda, halkaasoo ay ka heli doonaan iskuullo, caafimaad iyo wax walba oo nolosha aasaas u ah,” ayuu yiri afhayeenka.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in xeradaas ay tahay meel aad looga shaqeeyay aynaku heli doonaan ammaan, isagoo xusay in howshan ay tahay mid lagu soo celinayo bilicdii magaalada Muqdisho.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa dhowr jeer oo hore ka digay in dadka ku jooga Muqdihso barakac ahaanta la dajiyo xeryo aysan ammaan ku heli doonin, maadaama haweenka barakacayaasha ah kufsi loo geysto.

Dhanka kale, afhayeenka gobolka Banaadir oo wax laga weydiiyay arrintan ku saabsan dadka deggen garoonka diyaaradaha Muqdihso ee halkaa laga rarayo, kuwaasoo bannaanbax ka sameeyay arrintaas.

“Horay ayaan dadkaas u siinnay digniin, waayo halka ay deggen yihiin ma ahan meel loogu talogalay in shacabku ay degaan waxaana soo galaya jidka diyaaraduhu ay ku ordain,” ayuu yiri afhayeenka oo xusay in dadkaas ay ka guuraan halkaas.

Afhayeenka ayaa xusay in halka ay dadkaas daggan yihiin ay leedahay laba arrimood oo aan wanaagsanayn, kuwaasoo kala ah inay fool xumaynayso caasimadda iyo inay khatar ugu jiraan inay dhibaato kasoo gaaro goobtaas ay daggan yihiin maadaama ay garoonka ku dhow dahay.

Barakacayaasha ku nool Muqdisho ayaa waxay bilihii ugu dambeeyay aad uga cabanayeen in laga kicinayo xeryaha ay ku nool yihiin iyagoo aan garan karin goob ay aadaan, dowladduna aysan siin meel ay dagaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya