4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2013
Sheekh Maxamed Aw-libaax oo Axmed Madoobe ku eedeeyay in uu jabiyay qodobo kamid ah heshiisyadii uu la galay dowladda

Arbaco, October 09, 2013(HOL) :- Sheekh Max’ed Awlibaax oo kamid ahaa masuuliyintii la shaqeyn jirtay maamulka KMG ee Jubba islamarkaana xubin sare ka ah ururka Ahlusunna ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha maamulka Jubba, Sheekh Axmed Madoobe in uu jabiyay qodobo ka mid ah heshiisyadii uu la galay dowladda Soomaaliya.

Awlibaax oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in qodobada heshiiskii ay gaareen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ay kamid ahayd in shir dib u heshiisiin ah lagu qabto Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay ahayd in labada dhinac ay si buuxda u fuliyaan heshiiskaasi.

Sheekh Awlibaax ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii wax ka dhistay maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe, haseyeeshee dhawaan ayuu soo gaaray magaalada Muqdisho kadib markii sida la sheegay uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe.

“Shacabkii Jubooyinka deganaa oo khilaafka ka dhexeeyay ama diriray Muqdisho ayay joogaan, Axmed Madoobe wuxuu sheegay in uusan Muqdisho imaanayn anagana Jubooyinka ayaan ka mid nahay, waana joognaa, waxaana u nimid shirka Muqdisho inuu hirgalo oo dhaco,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

“Hadii labadaa shir aysan dhicin oo umaddii shalay dirirtay, oo is dagaashay, oo khilaafka ku kala tagtay, oo ku kala maqan, iyadoo aysan dhicin dib u heshiisiin, oo labadaa gogolood aynan dhicin, oo umaddu aysan wax isku raacin hadii la yiraahdo waxbaan dhiseynaa waxay noqoneysaa waxa hada Kismaayo ka jira oo kale,” ayuu Sheekh Awlibaax hadalkiisii ku daray.

Gabagabadii masuulkan ayaa ugu baaqay hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe in uu kasoo qeybgalo shirka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya ee ka dhici doona Muqdisho.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa shir uu ku qabtay Kismaayo waxa uu ku sheegay in uusan ka qeybgeli doonin shirka dib u heshiisiinta ee ka dhici doona Muqdisho,  isagoo sheegay in shirkaasi uu yahay mid khilaafsan heshiiskii ay wada galeen dowladda Soomaaliya.

Max’ed Xaaji Xuseen
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya