4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2013
Dowladda Mareykanka oo Caddeysay Hadafka ay ka lahayd Weerarkii ay ku qaaday Degmada Baraawe ee Koonfurta Somalia

Arbaco, October 09, 2013(HOL) :- Dowladda Mareeykanka ayaa shaaca ka qaaday ujeedada ka danbeeysay weerarkii ay dhawaan ciidamada Kumaandooska dalkaasi ka fuliyeen guri ku yaal degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareeykanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheeegay in weerarkaasi ay ku doonayeen in ay kusoo qabtaan ninka lagu magacaabo C/qaadir Max’ed C/qaadir, kaasoo uu xusay in uu xubin  sare ka yahay ururka Al-shabaab.

 

Ninkan oo asal ahaan Soomaali ah balse heysta dhalasho Kenyan ah ayuu sarkaalku sheegay in uu saaxiib dhow la ahaa Faizul Cabdalla iyo Salah Nabhan oo lagu eedeyay in ay ku lug lahaayeen weerarradii 1998-dii lagu qaaday safaaradaha Mareykanka ee dalalka Kenya iyo Tanzania.

 

Ciidamo ka tirsan kumaandooska dalka Mareeykanka ayaa 5-tii bishan weerar qorsheysan ku qaaday guri ku yaal degmada Baraawe kaasoo ay sheegeen in ay ku sugnaayeen masuuliyiin ay bartilmaameedsanayeen, waxaana halkaasi uu iska horimaad xooggan ku dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamadii weerarka fulinayay.

 

Dowladda Mareykanka ayaa marar badan howlgallo ay ku bartilmaameedsaneeyso shaqsiyaad gaar ah waxa ay ka fulisay deegaano ay ka arimiyaan xoogagga Al-shabaab oo ku yaal koonfurta Soomaaliya.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya