4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2013
Al-shabaab oo ciidamo fara badan geysay degmada Baraawe oo Maalmo ka hor ay Weerareen Ciidammo Mareykan ah

Talaado, Oktoobar 08, 2013 (HOL) — Xarakada Al-sabaab ayaa ciidamo fara badan geysay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo haatan u ah saldhig weyn, iyagoo sheegay inay ka digtoon yihiin weerarro kale ay ka geystaan ciidammo reer galbeed ah.

Afhayeenka howlgallad Al-shabaab wuxuu sheegay inay mar walba digtooni ka qabaan weerar kale oo lagu qaaday degmada Baraawe, isagoo sheegay inay u diyaar-garoobeen sidii ay isaga difaaci lahaayeen weerarrada kaga imaanaya dalal uu ku sheegay cadowgooda.

"Waan ka warhaynnaa in cadowgu ay damacsan yihiin mar walba inay nagu soo qaadaan weerarro, balse innagu waan u diyaar-garownay waana ka digtoonnahay,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in weerar walba oo lagu soo qaado aan lagu guuleysan doonin, isagoo ku goodiyay inay cashar lama ilaawaan ah ku dhigi doonaan reer galbeedka iyo xulufadooda.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Marko ayaa sheegay in lagu arkayay maanta gudaha degmadaas ciidammo fara badan oo Al-shabaab ka tirsan kuwaasoo wata gaadiidka dagaalka, iyadoo qof deegaanka ka mid ahna ay xireen Al-shabaab.

Ruuxan la xiray ayaa la sheegay inuu isticmaali jiray Internet-ka, balse ma sheegin saraakiisha Al-shabaab in ruuxan ay u xireen weerarkii dhawaan ka dhacay degmada Baraawe iyo in kale.

Toddobaadkan billowgiisii ayay ahayd markii ciidamada gaarka ah ee dalka Mareykanka ay weerareen guri ku yaalla xeebta degmada Baraawe, halkaas oo la sheegay inuu ku sugnaa sarkaal Kenyan ah oo la sheegay inuu mas’uul ka ahaa weerarkii Westgate Mall.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya