4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2013
Xaflad lagu Maamuusayay sanadguuradii koowaad ee Magacaabista ra'iisul wasaare Saacid oo ka dhacday Sweden (SAWIRRO)
IMG_0986.jpg
Talaado, October 08, 2013 (HOL) - Xaflad lagu maamuusayey sanadguurada koowaad markii  Madaxweynaha Jamhuuriyada federalka ah ee Soomaaliya  Mudane Xasan Sh. Maxamuud  uu xilka R/wasaaha jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)  u magacaabay ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee Xarunta Dalka Sweden.

Xafladan oo aheyd casho sharaf ayaa waxaa soo abaabulay ururka haweenka ee Xaawo Taako waxaana kala soo qeybgalay dhamaanba qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Stockholm iyo  nawaaxigeeda, iyada oo hoolka xaflda casho sharafta lagu xardhay sawirada Madaxda Qaranka,  isla markaana lagu daawaday filim ducomentry ah oo ku saabsana waxqabadka Xukuumada mudada sanadka aheyd.
 
Marwo Sahra Barqadle Gudoomiyaha ururka Xawo Taako oo goobta ka hadashay ayaa ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u jeedisay guud ahaan Madaxda Soomaaliya, iyada oo ku ammaantay khilaaf la'aanta mudadii sannadka ahayd ee ay xilka hayeen.

7.jpg
 
Xubno isugu jiray Aqoon yahano,  Haween, siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo goobta ka hadlay ayaa R/wasaaraha ku ammaanay uu ka siiyay dawlada haweenka gaar ahaana hirgalinta mashaariicda waxbarashada iyo caafimaadka, dib u hishiisinta iyo soo nooleynta nabaddii iyo  kaabayaasha dhaqaalaha, waxaa sidoo kale aad loogu ammaanay Xukuumada adkeynta xiriirka caalamiga ah.

La taliyaha Arimaha bulshada ee Xafiiska R/wasaaraha Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali yare) oo kulanka khudbad dheer ka jeediyey  ayaa waxa uu goobta ku soo bandhigay Film muujinaya wax  waxqabadka R/wasaare Saacid iyo Xukuumada uu madaxda u yahay gaar ahaan wax ka qabashada arimaha nabadgalyada, Siyaasada dibada,dib u hehisiinta, tayeynta waxbarashada dalka, wacyi gelinta bulshada, Gaarsiinta dowladnimada ee gobolada dalka ,sidoo kale dhisida iyo qalabeynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed, fulinta mahsaariic dhowr ah oo wax tar u leh bulshadeen, inuu yahay raisul wasaare ku dhiiraday in aanu xukuumadiisa ku dhisin nidaamkii foosha xumaa ee 4.5 iyo in uu haweenka Soomaaliyeed door muuqda ka siiyey talada dalka isagoo ammaan aan la soo koobi karin u jeediyay Ra'iisul wasaare Saacid.

Ugu Dambeyntii R/wasaaraha jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo qadka telfoonka xaflada uga soo qeybgalay ayaa si weyn ugu mahadceliyey dhamaan ka qeybgalayaasha xaflada iyo haweenkii soo qaban qaabiyey, waxa uuna warbixin ka bixiyey guulihii la gaaray mudadii sanadka aheyd iyo howlaha culus ee sugaya  xukuumadiisa, waxa uuna ku celceliyey qurba joogta in ay yihiin xoog muuqda oo loo baahan yahay in ay door ka qaataan dib u dhiska dalka, gaar ahaan  waxa uu si weyn u amaanay reer Sweden.

10.jpg
11.jpg
12.jpg
2.jpg
4.jpg
6.jpg
9.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya