4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2013
Baarlamaanka Federaalka Somalia dib ugu laabtay Baarlamaanka caalamka kaddib Sannado fara badan oo uu ka Maqnaa

Talaado, Oktoobar 08, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka mid noqday baarlamaanka caalamka oo ay xubno ka yihiin 16-waddan, sida uu sheegay, xildibaan Khaalid Cumar Cali, isagoo sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay tani u ogolaanayso ka qaybgalka shirarka caalamiga ah.

Xildhibaan Khaalid oo ku sugan magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya si rasmi ah loogu ogolaaday inuu xubin buuxda ka noqdo baarlamaanka caalamka, kaddib sannado badan oo uu kursiga Soomaaliya bannaanaa.

“Tan iyo bishii September ee sannadkii 2012 waxaan ku howlaneyn sidii aan ugu guuleysan lahayn ka mid noqoshada baarlamaanka caalamka, waxaana baarlamaanka Soomaaliya uu ku biiray baarlamaanka caalamka 1969-kii, balse sannadihii colaaduhu jireen kama uusan mid ahayn,” xildhibaanka.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in dib ugu laabashadan ay fursad weyn u tahay Soomaaliya, isagoo sheegay inay muujinayso in Soomaaliya ay ka baxayso xilliyadii dhibaatada badnaa.

“Guul ayay Somalia u tahay inuu ku laabto baarlamaanka calaamka, waayo wixii hadda ka dambeeya waxaan ka qaybgeli karnaa shirarka caalamiga ah ee ay yeelanayaan baarlamaanka caalamka,” ayuu xildhibaan Khaalid Cumar ku hadal hadalkiisa.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay uga mid ahaa baarlamaanka Afrika iyo baarlamaanka Jaamacadda Carabta, isagoo ka qaybgeli jiray shirarka ay yeelanayaan dalalka Afrika iyo kuwa Carabta.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 22-sano ka hor waxay Soomaaliya wayday xubinnimada hay’ado badan oo caalami ah, balse sannadkan ayay intooda badan dib ugu biirtay.

Baarlamaanka Federaalka Somalia oo jira hal sano ayaa wuxuu sannadkan la galay heshiisyo iskaashi baarlamaannada dalalka Britain iyo Uganda, kuwaas oo ka mid ah baarlamaanka caalamka, waxaana baarlamaanka hadda jira uu u muuqdaa mid dadaal ugu jira inuu soo celiyo sumcaddii Soomaaliya ay ku lahayd caalamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya