4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2013
WARAN-CADDE: “Waxaanu doonaynaa inaan dadka tusno in qofkii Tuugo ku dila dadka aanu Tallaabo adag ka qaadno”

 Isniin, Oktoobar 07, 2013 (HOL) — Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa faahfaahin ka bixiyey dilkii laba cisho ka hor ka dhacay magaaladda Hargeysa oo afar dhalinyaro ahi dhagax ku dileen wiil dhalinyaro ah.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay gacanta ku hayaan dhamaan gacan ku dhiiglayaashii geysday dilalkaas, isla markaana sharciga la hor gayn doono.

“Waa dembiyo caadi u dhacay, maaha wax kale oo meesha ku jira, Inanka gabadh ayay wada socdeen dabeedna iyagoo meel tag-taagan ayay kooxdani u yimaadeen had iyo jeerna dhalinyaradu waxay caadeysteen inbadan oo ka mid ahi, hablaha inay qash-qashaan dabeedna Inankii waxa uu damcay inuu inantii ku dagaalamo kadibna dhagax ayay madaxa kaga dhufteen taas oo uu u dhintay”ayuu yidhi Wasiir Warancadde oo ka hadlayey qaabka uu dilkaasi u dhacay, waxaanu intaas ku daray  “markiibana meesha waanu tagnay aagii isku weer ayaanu ka qabanay markiibana waanu soo qabanay afartii inan ee dilka geystay”

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay laba bilood ka hor gabadh ay tuug sidaas oo kale ku dileen, waxanu sheegay inay dadkii dilkaasi geystay ay hayaan oo sharciga la horgeeyey, waxaanu yidhi “ Inanta iyadoo meel mareysa ayay u yimaadeen waxaanay damceen inay ka qaadaan computer iyo mobile ay sidatay nabar ayay ku dhufteen nabarkii ayay u dhimatay iyagiina waa la hayaa”

Wasiirka ayaa sheegay inay maxkamadaha ka codsanayaan inay dadajiyaan xukunada, oo ciddii dil gaysatay markiiba la dillo si kuwo ka dambeeyaa u baqdaan.

“Waxaanu doonaynaa inaanu dadka tusno in qofkii dambi geysta ama tuugo ku dila dadka aanu talaabo adag ka qaadno sidii markiiba badhka loo gayn lahaa, waxaana noo socda maxkamada, xeer-illaalinta iyo anaga sidii loo dadajinayo”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Dhinaca kalena,Taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal ayaa sheegay inay hawlgal balaadhan oo ay ka sameeyeen xaafadaha magaaladda ay kusoo qabqabteen 53 qof oo tuug ah iyo dhalinyarada habeenkii moobiladda dadka ku dilla.

“Waxaa hawlgalkan lagu soo qab-qabtey 53-qof oo isugu jira tuugta caadeystayaasha ah iyo dhalinyarada fidmo-wadayaasha ee kooxkooxeysiga isku dila oo si deg-dega ayaa sharciga la horgeyn doona baadhistoodiina way socotaa” Ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Booliska Fadal oo ka hadlayey hawlgalkaasi ay ku baacsanayan tuugta habeenkii dadka dhibaatadda ku haysa.

Si kastaba ha ahaatee, waxa magaaladda ku soo badanaya dhalinyaro koox koox u socota oo habeenkii dadka xoog kaga qaadda mobiladda marar badana ku dilla, waxaana arrimahaasi lagu dhaliilaa ciidanka booliska oo aan gacan adag wax kaga qaban iyo maxkamadaha oo hore u xukumin dadka noocaas ah marka la hor keeno.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland