4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2013
Ra’iisul Wasaare Saacid oo sheegay in Dagaallada lagula jiro Al-shabaab ay la kaashan doonaan Caalamka iyo dalalka dariska


Isniin, Oktoobar 07, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay Axaddii shalay in burburinta Al-shabaab ay la kaashan doonaan dalalka caalamka iyo kuwa dariska la ah Soomaaliya.

Saacid oo ka hadlayay kulan uu kaga warbixinayay waxqabaadkii halka sano ee xukuumaddiisa ayaa sheegay in ciidamada DF iyo kuwa gacanta siinaya ee AMISOM ay ka mid tahay ay ku guuleysteen inay Al-shabaab deegaanno badan oo Soomaaliya ku yaalla ka saaraan.

“Caalamka iyo dalalka dariska ah ayaa naga caawinaya sidii aan Al-shabaab uga adkaan lahayn,” ayuu yiri Saacid oo sheegay in xilligan uu caalamku diyaar u yahay inay Soomaaliya ka caawiyaan sidii Al-shabaab oo burburin lahaa.

Sidoo kale, Saacid ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay calaamka ka codsanayso inay ku taageerto hub iyo dhaqaale lagula dagaalamo kooxda Al-shabaab oo uu ku sheegay inay khatar ku tahay Soomaaliya, dalalka dariska ah iyo dunida inteeda kale.

Mar la weydiiyay weerarkii uu Mareykanku ku qaaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo saldhig u ah Al-shabaab ayuu sheegay inuu qayb ka yahay dagaalka lagula jiro Al-shabaab ee la doonayo in ciidan ahaan iyo fikir ahaan loogu burburiyo.

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa weerar ku qaaday dhisme xeebta degmada Baraawe ku yaalla, kaasoo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno sar-sare oo Al-shabaab ka tirsan, inkastoo lagu guuldarreystay in hadafkii laga lahaa weerarkaas la fuliyo.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhawaan weerarro ka geystay dalka Kenya gaar ahaan suuqa Westgate halkaasoo ay ku dhinteen 67-qof oo shacab u badan, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa ku hanjabay in Kenya ay weeraro kaas la mid ah ka geysan doonaan, isagoo sheegay in weeraradan ay jawaab uga dhiganayaan diimada ay madaxda Kenya diideen dalabkoodii ahaa inay kala baxaan Soomaaliya ciidamadooda oo qayb ka ah howgalka AMISOM.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay shirkii sanadlaha ahaa ee Qaramada Midoobay bishii lasoo dhaafay ayaa sheegay in Al-shabaab aysan khatar ku ahayn Somalia oo keliya, balse ay khatar ku tahay caalamka oo dhan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya