4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2013
Baarlamaanka Soomaaliya dib u celiyay hindise sharciyeed ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya

Isniin, Oktoobar 07, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u celiyay maanta hidise sharciyeed ku saabsan horumarinta bangiga dhexe ee Soomaaliya oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Dood ay xildhibaannada baarlamaanka ka yeesheen hindisaha ayaa lagu go’aansaday in hindisaha dib loogu celiyo wasaaradda maaliyadda, iyadoo xildhibaannadu ay sheegeen inay ahayd in hidisaha uu baarlamaanka ka horjeediyo wasiirka maaliyadda, inta ay taasi dhacaysana aysan ka doodi doonin.

“Hindisahan waxaa soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, dib ayaana loogu celiyay, waayo waxay ahayd inuu wasiirku u sharraxo habka hidishaha loo soo diyaariyay, mana dhicin, waana taas sababta aan dib ugu celinnay,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka guddi hoosaadka baaramaanka Somalia ee dhaqaalaha iyo maaliyadda, Maxamed Iidle Geeddi oo warbaahinta la hadlay.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay inaanay macluumaad ka haysan sida loosoo diyaariyay hindisaha ayna tahay in wasiirku uu horyimaado xubnaha baarlamaanka si uu sharraxaad uga siiyo.

Kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa waxaa shir-guddoominayay Jeylaani Nuur Iikar oo ah ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka, isagoo ka sheegay fadhiga in wasiirka maaliyadda uu horyimaado baarlamaanka si uu sharraxaad uga bixiyo hindisahan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tan iyo kalfdhigii labaad oo xirnay bartamihii sannadkan waxay kaga doodayeen hidisayaal ay xukuumaddu soo gudbisay, iyadoo dhowr hindise dib u celiyay, halka kuwo kalena ay meel-mariyeen.

Dhanka kale, baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla mooshin ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah mudanayaasha oo lagu dalbanayo in sharci-hoosaadka baarlamaanka lagu daro in wasiirrada xukuumadda ee lasoo magacaabo ay mid-mid u weydiisataan kalsoonida baarlamaanka Somalia, iyadoo dhowr jeer laga dooday, iyadoo aan weli go’aan laga gaarin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya