4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2013
Shirkii AMISOM iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ameerika uga socday Gobolka Minnesota oo lasoo Gabagabeeyay (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 07, 2013 (HOL) — Shir ay AMISOM soo qaban-qaabisay oo laba maalmood ka socday ayaa lagu soo gabgabeeyay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb-galay xubno ka kala yimid Waqooyiga Ameerika kana koobnaa aqoon-yahanno, culumaa’uddiin, haween iyo dhallinyaro.

Ujeeddada shirkan ayaa ahayd in la helo fikir lagu horumarinayo Soomaaliya guud ahaan iyo AMISOM oo warbixin ka siiso qurba-joogta Soomaaliyeed howlgalada ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

Qodobbada halkaan lagu falanqaynayay ayaa waxaa ka mid ahaa: (a) Dib u heshiinsiinta, (b) Dhismaha hayadaha dowladda , (c) Shaqo la’aan dalka gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada

Dood dheer kaddib, waxaa kasoo baxay shirka qodobbo ay ka mid yihiin:

Dhanka dib u heshiinsiinta:  In jaaliyadaha dibadda ay taageeraan dib u heshiinsiinta ay waddo dowladda Soomaaliya, In dowladda ay maxkamad soo taagto cid walba oo diidan nabadda, In warbaahinta Soomaaliya lagu dhiiri-galiyo in qayb ka qaataan dib u heshiinsiinta iyo in ciidmada AMISOM  ay ku baahaan gobollada Soomaaliya si dadka ku nool gobollada Soomaaliya ay u helaan fursad ay uga wada-hadlaan dib u heshiisiinta.

Dhanka Shaqo la’aanta dumarka iyo dhallinyarda: In dowladda Somalia ay dajiso qorshe shaqooyin loogu abuurayo dumarka iyo dhallinyarada, In iyadoo lala kaashanayo qorbo-joogta Soomaaliyeed la dhiso xarumo lagu barto farsamada; taaso abuuri karta shaqooyin wax tar leh, In dowladda ay ku dhiiri-galiso, fududeyso qorista ciidanka gaar ahaan dumarka iyo In dowladda iyo AMISOM oo kaashanaya jaaliyadaha Soomaaliyeed ay shaqo u abuuraan dhallinyarada kasoo goosanyo Al-shabaab.

Dhanka dhismaha hay’adaha dowladda: Dowladda Soomaaliya waa inay xoojisaa hay’adaha shaqo-qorista iyadoo shaqooyinka lagu heli karo si caddaalad ah oo ka madax-bannaan musuqmaasuq, Inay abuurto hay’adda madax-bannaan oo la dagaalanta musuqmaasuqa ayna xoojiso hay’addaha dhaqaalaha.

DAAWO SAWIRRADA SHIRKA:

Si loo hubiyo hirgalinta qodobbada laga soo saar shirka waxaa la isku raacay in la sameeyo guddi dabagal ku sameeyo qodobbadaas. Waxaa sidoo kale la isku raacay in sannadkiiba mar la qabto shir ay qurba joogta Soomaaliyeed ku kulmaan laguna qabto meelo kala duwan sida Yurub, Waqooyiga Amerika iyo Australia.

Kasoo qayb-galayaashii shirka ayaa waxay kaga mahad-celinyeen ururka Midowga Afrika qaybta libaax leh ay ka qaadanayaan nabadeynta dalka Soomaaliya.

Ugu dabeyn, waxaa halkaas khudbad ka jeediyay ergyga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Maxamed Saalax Anaadiif  isagoo u mahad-celiyay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga Ameerika.

HALKAN KA AKHRISO QODOBBADA SHIRKA OO ENGLISH AH

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya