4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2013
Rabshado dhexmaray Ciidanka Amniga Masar iyo Taageerayaasha Mursi oo ka dhacay Masar iyo 50-qof oo ku dhintay (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 07, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 50-qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhinteen kaddib mudaaharaadyo rabshado wata oo shalay oo Axad ahayd ku dhexmaray dalka Masar.

Rabshadahan oo u dhexeeyay ciidamada dalka Masar iyo taageerayaashii madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi waxaana dadka ku waayay naftooda intooda badan ay ku dhinteen rasaas ay ciidamada amnigu fureen.

In ka badan 200 oo qof oo ka tirsan taageerayaasha Mursi ayaa lagu xiray magaalada Qaahir ee xarunta dalka Masar, halkaasoo lasoo warinayo inay ku dhinteen dadka ugu badan ee rabshadihii shalay ku dhintay.

Taageerayaasha Mursi ayaa waxay isaga horyimaadeen dhowr magaalo oo ka tirsan dalka Masar ciidamada dalkaas, kuwaasoo ka qaygalayay xus loo sameynayay sannadguuradii 40-aad ee kasoo wareegtay dagaalkii Carabta iyo Israa’iil oo dhacay sannadkii 1973-kii.

Boqolaal kun oo taageerayaasha Mursi ka mid ah ayaa ku ururay fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira oo ka mid ahayd goobihii ay ka dhaceen isku-dhacyada u dhexeeyay ciidamada amniga Masar iyo taageerayaashan.

Ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa isticmaalayay gaaska dadka ilmada ka keena iyo rasaas nool si ay u kala eryaan taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalka Masar, waxaana halkaas ka dhacay ka dhacay dagaallo rasaas loo adeegsaday.

Wasaaradda caafimaadka Masar ayaa sheegtay in 30-qof ay dhinteen tiro ka badan boqol qof oo kalena ay ku dhaawacmeen rabashadihii xarunta dalkaas ee Qaahira ka dhacay, waxaana dadka dhintay ku jiray ciidammo ka tirsan kuwa amniga.

Ra’iisul wasaaraha dalka Masar, Hazim Al-Bedewi oo ka hadlayay telefishinka Qaranka Masar ayaa sheegay in dalku uu ku jiro xaalad khatar ah, isagoo ka dalbaday shacabka Masar inay is-dajiyaan ayna ka shaqeeyaan mustaqbalka dalkooda.

Magaalooyinka, Suweys iyo Ismaaciiliya ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ka dhaceen rabshadaha iyo isku dhacyada u dhexeeya ciidamada amniga iyo taageerayaasha madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalka Masar.

Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Max’ed Mursi ayaa bishii July xukunka laga tuuray kaddib 13 bilood oo uu xukunka hayay, kaddib markiii ay ku eedeeyeen milateriga dalkaas inuu ku kacay falal jaajuusnimo ah.

Dalka Masar ayaa wuxuu cagaha la galay dhibaatooyin kala duwan, kaddib markii xukunka laga tuuray Mursi oo ku jira xabsi ku yaalla Qaahira, balse ma jirto maxkamad weli ka horkeenay.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya