4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2013
DUQA MUQDISHO: “Shacabka Muqdisho waa inay Al-shabaab iska dhiciyaan oo aysan u ogolaan degmooyinkooda”

Isniin, Oktoobar 07, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka qaybgalay kulan ka dhacay degmada Howlwadaag ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inay iska dhiciyaan Al-shabaab oo aysan u ogolaan degmooyinkooda.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in degmooyinka Muqdisho qaarkood laga soo dhaweeyo Al-shabaab lagana jecel yahay, dadkoodana loo gystay dilal ay fuliyaan kooxo bastooladley ah, isagoo sheegay in Al-shabaab ay dhibaato u geysato cidda soo dhaweysa.

“Waxaa jira degmooyin ku yaalla gobolka Banaadir oo laga soo dhaweeyo Al-shabaab lagana jecel yahay, waxaana degmooyinkaas dadkeeda qaarkood loo geystaa dilal qorsheysan oo ay geystaan rag bastoolado wata,” ayuu ka sheegay Tarsan kulankii uu xalay ka qaybgalay.

Sidoo kale, duqa Muqdisho ayaa sheegay in degmada Howlwadaag ay ka mid tahay degmooyinka aan laga ogoleyn inay Al-shabaab soo gasho, isagoo ku boorriyay shacabka ku nool degmooyinka kale ee Muqdisho inay go’aankaas oo kale qaataan.

“Al-shabaab haddaad soo dhaweysataan dhibaatada ugu badan idin ayay idiin geysan doonaa, marka shacabka waxaa wanaagsan inay fikiraan oo ay ka fogaadaan inay Al-shabaab soo dhaweystaan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Mudane Tarsan ayaan sheegin degmooyinka laga soo dhaweeyo Al-shabaab magacyadooda, balse wuxuu shacabka ku nool 16-ka degmo ee gobolka uu ugu baaqay inay ka fogaadaan inay gabbaad siiyaan Al-shabaab oo uu ku sheegay koox doonaysa inay dhibaato u geysato shacabka Muqdisho.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho wuxuu sheegay in degmada Howlwadaag ay dhawaan jidadka xaafadaheeda mara gelin doonaan ballayaasha ku shaqeeya cad-ceedda, isagoo sheegay inay ku mutaysatay dadaalka badan ee ay sameysay.

Maalin ka hor ayay ahayd markii ballayaal kuwa cad-ceedda ku shaqeeya ah lagu qarxiyay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, waxaana labadan baalle ee la qarxiyay lagu arkayay jidka wadnaha ee magaalada Muqdsiho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya