4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2013
Mareykanka oo shaaciyay Magaca Ruuxii ay ku weerareen Xeebta Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose

Isniin, Oktoobar 07, 2013 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa shaaciysay magaca sarkaalkii ay ku weerareen xeebta degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkasoo ah saldhigga ugu weyn ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.

Saraakiil Mareykan ah oo magacooda qariyay ayaa sheegay in sarkaalka la weeraray olgau magacaabi jiray Cikrama iyagoo sheegay inuu u dhashay dalka Kenya, loogana shakisanaa inuu gacan ka geystay weerarkii lagu qaaday dhismaha ganacsi ee Westgate Mall.

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa habeenkii Sabtida waxay weerar ku qaadeen guri ku yaalla xeebta degmada Baraawe halkaasoo uu ka dhacay dagaal socday muddo saacado ah, dagaalkaas oo lagu guuldarreystay.

Wargeys kasoo baxa dalka Britain ayaa maanta sheegay in ciidamada Mareyknaku ay ku dileen saddex sarkaal oo Al-shabaab ka tirsan kuwaasoo kala ahaa nin Soomaali ah oo u dhashay dalka Sweden iyo laba nin oo u dhashay dalka Suudaan, kuwaasoo midkooda la sheegay inuu tababar u ahaa sirdoonka Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta Al-shabaab ayaa sheegay in guriga ay weerareen ciidammo cadaan ah balse ay ka hortageen, taasina ay keentay inay dib isaga laabtaan iyagoo aan natiijo ka gaarin weerarkooda.

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo u warramay warbaahinta caalamka ayaa beeniyay in guriga ay ciidamada Mareykanku weerareen ay ku jireen saraakiil sarsare oo Al-shabaab ka mid ah.

“Guriga la weeraray waxaa ku sugnaa ciidammo ka tirsan Al-shabaab, been weeye inay ku sugnaayeen saraakiil muhiim u ah Al-shabaab,” ayuu Abuu-Muscab u sheegay Reuters, isagoo intaas ku daray in weerarkaas ay iska difaaceen ayna fashiliyeen.

Dowladda Mareykanka ayaa sheetay inay sii wadayso weerarrada ay ku baacsanayso kooxaha argagaxisada ah, iyagoo xusay inay ku beegsan doonaan meel walba oo caalamka ah.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore fashilisay weerarro ay dalalka reer galbeedka ah ku qaadeen deegaanno ay kaga sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo la xusuusto in sannadkan billowgiisa ay Al-shabaab ka hortageen weerar ay ciidammo Faransiis ah ku qaadeen guri ku yaalla deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya