4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2013
Wafdi uu Hoggaaminayo Shiikh Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose



Axad, October 06, 2013(HOL) :- Wafdi uu horkacayo hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kadib safarro kala duwan oo uu kusoo maray dalal kala duwan.

Wafdigan oo kasoo qeybgalay shirkii dhaqaalaha loogu arurinayay Soomaaliya ee ka dhacay dalka Biljimka ayaa waxa uu kasoo ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasoo ay mudooyinkii ugu danbeeyay ku sugnaayeen.

Qeybtii hore ee wafdiga oo isugu jiray siyaasiyiinta iyo odoyaal dhaqameed ayaa waxa ay yimaadeen maanta duhurkii, halka qeybta labaad ee wafdiga oo uu horkacayay hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe ay iyaguna magaalada soo gaareen maanta gelinkii danbe.

Intii uusan wafdigu iman kahor ayaa siweyn loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Kismaayo, iyadoona ciidamo tiro badan lagu daadiyay wadooyinka waaweyn ee dhexmara magaalada Kismaayo.

Imaatinka wafdigan ayaa ahaa mid aan hore loo shaacin, ilaa imikana ma jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo faahfaahin ka bixiyay imaatinka wafdigan.

Wafdigan maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli saaka uu magaalada Kismaayo ka dhacay qarax miino oo sababay qasaarooyin soo gaaray dad rayid ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya