4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2013
Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay sii wadayso Ugaarsiga Al-shabaab iyo kooxaha ee ku xiran Shabakadda Al-Qaacida


Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa sheegay inay sii wadayaan howlgallada ay ku baacsanayno kooxaha mas’uulka ka ah weerarrada argagaxisada ah ee ka dhaca Somalia iyo Liibiya.

Mareykanka ayaa sheegtay inay mas’uul ka ahaayeen weerarro habeen hore lagu qaaday degmada Baraawe ee Soomaaliya oo ay saldhig ku leedahay Al-shabaab iyo dalka Liibiya, halkaasoo Mareykanku uu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen nin ka dambeeyay weerarro argagaxiso.

“Waxaan rajeynaynaa in howlgallada aan sameynay ay caddeyn u noqdaan in Mareykanka uusan marnaba joojin doonin ugaarsiga kooxaha ma’suulka ka ah falalka argagaxiso ee calaamka ka dhaca,” ayuu yiri Kerry.

Sidoo kale, Kerry wuxuu sheegay in xubnaha Al-qaacida ka tirsan ay carari karaan balse aysan dhuuman karin, isagoo sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay inay ku ugaarsadaan xubnahaas meel walba oo ay dunida ka joogaan.

Ciidamada Mareykanka ayaa ku qabtay gudaha dalka Liibiya mas’uul ay ku sheegeen magaciisa, Abuu-Anas Al-Libi kaasoo ka tisran Al-Qaacida loona haysto inuu mas’uul ka ahaa qaraxyadii loo geystay sannadkii 1998-kii safaaradaha uu Mareykanku ku leeyahay dalalka Kenya iyo Tanzaaniya.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in weerarkii ay degmada Baraawe ku qaadeen ay ku dileen tiro ka tirsan dagaalyahannada kooxda AL-shabaab, balse ma cadda in la dilay sarkaal uu Mareykanku doonayay inuu qabto iyo in kale.

“Sharciga ayaan horkeenni doonnaa kuwa ka dambeeyay falalka argagaxiso ee caalamka ka dhaca, si falalka noocaas ah ay dunida uga dhammaadaan ciddii ku lug lehna ay u joojin lahayd,” ayuu Kerry ku yiri shir jaraa’id oo uu Washington ku qabtay.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in qabsahada Al-Liibi oo 49-jir ah ay soo afjari doonto 15-sano oo uu dhuumaaleysi ku jiray, isagoo sheegay in qaraxyadii lagu burburiyay safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzaaniya ay ku dhinteen 200-qof, tiro far abadanna ay ku dhaawacmeen.

Waaxda sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in qabashada Al-Liibi ay ku nqoon doonto dhabar-jab weyn ururka Al-Qaacida, iyagoo ku tilmaamay mid ka mid ah wakiilladooda Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya