4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2013
Mareykanka oo Sheegay inay Ciidamadooda fuliyeen Weerarkii lagu qaaday Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose

Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarkii habeen hore lagu qaaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose oo ah saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku leedahay Koonfurta Soomaaliya.

Xoghayaha warbaahinta ee wasaaradda gaashaandhigga Maerykanka ee Pentagon-ka, George Leadel ayaa sheegay in ciidamadooda Kumaandooska ah ay fuliyeen weerarkaas ayna beegsanayeen hoggaamiye ka tirsan ururka Al-Qaacida oo ku sugan Soomaaliya, inkastoo uusan magaciisa sheegin.

Sarkaalku wuxuu sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray dagaalkaas, balse Al-shabaab ayaa sheegtay inay khasaare u geysteen ciidamadii ajanbiga ahaa ee soo weeraray guriga ku yaalla xeebta degmada Baraawe.

Ciidammo watay doomo dheereeya ayaa habeen hore weerar ku qaaday guri ku yaala xeebta degmada Baraawe oo ah xarunta Al-shabaab ugu weyn ee ay ku leedahay Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay ku dileen mid ka mid ah dagaalayahanadii Al-shabaab ee ilaalada ka ahaa gurigaas.

Inkastoo afhayeenka howgallada Al-shabaab uu sheegay in dhiig badan ay ku arkeen halkii ay ciidamadii weerarka soo qaaday ka dagalaamayeen, hadana sarkaalka u hadlay Pentagon-ka ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo weerarkaas kasoo gaaray.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa ku sheegay in weerarka uu ahaa mid fashilmay oo aan laga gaarin ujeeddadii laga gaaray, waxaana weerarkaas uu ka mid ahaa weerarro dhowr jeer oo hore lagu qaaday Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya