4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay in Booliiska Soomaaliya uu ka tayo Wanaagsan yahay Booliiska Ciraaq


Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlayay tababar loo furayey qaar ka mid ah saraakiisha booliiska Somalia ayaa sheegay in booliiska Somalia uu ka tayo wanaagsan yahay booliiska dalka Ciraaq.

Mudane Guuleed ayaa sheegay in mar uu booqday dalka Ciraaq bishii hore ay madaxda dalkaas u sheegeen in ciidamadooda booliiska ay yihiin 700,000 oo askari misaaniyadda ay bishiiba isticmaalaan ay tahay 10-milyan oo doollar, halka tan booliiska Soomaaliya ay ka tahay bishii 2.5 milyan oo doollar.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu tusaale u soo qaatay dhacdooyin ka kala dhacay Soomaaliya iyo Ciraaq isagoo xusay in bishii Ramadaan oo kaliya ay qaraxyo iyo dilal qarsheysan oo ka dhacay Ciraaq ay ku dhinteen 1,900-qof kuwo u dhow dhacdooyinkaasna ay ka dhaceen Soomaaliya, balse ay Soomaaliya tiro intaas ka yar ay ku dhinteen.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay aad uga wanaagsan tahay dalal ay dagaalladu ka jiraan, wuxuuna xusay in waxyaabaha ugu  yaabka badan ee uu kula soo kulmay Ciraaq ay ka mid yihiin in askariga la baro xuquuqda aadanaha, taasoo uu sheegay inay tahay midda looga baahan yahay booliiska Soomaaliya in la baro.

“Booliiska ayaa ammaanka shacabka sugi kara, waayo waa mid ka yimid dad shacabka ah, waxaana looga baahan yahay inay kasbadaan kalsoonida guud ee shacabka si ay wada-shaqeyn uga helaan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo isaguna la hadlayay saraakiisha tababarka loo furay ayaa ka dalbaday inay dadaal u galaan sidii ay kalsoonida dadka u heli lahaayeen, si looga guuleysto Al-shabaab oo uu sheegay inay dagaal adag kula jiraan.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jiraan sidii ay amniga guud ee dalka ku sugi lahaayeen, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay dhawaan inay gacanta ku dhigeen kooxo xiriir la leh Al-shabaab oo falal ammaan-darro kawaday degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho, inkastoo caasimadda ay ka dhacaan falal ammaan-darro oo kala duwan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya