4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2013
Munaasabad Shahaadooyin lagu Guddoonsiinayay Arday ka Qalab-jabiyay Dugsiga Universal oo lagu qabtay Beledweyne (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 05, 2013 (HOL) — Munaasabad siweyn loo soo agaasimay islamarkaana shahaado lagu guddoon siinayay 75 ardey oo ka qalin-jabisay dugsiga Universal ayaa lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ardeydan shahoodooyinka la guddoon siiyay oo noqonaya dufcadii 66-aad ayaa dhameystay maadooyinka kala duwan ee ka baxa ama lagu barto dugsiga oo la aas-aasay 1992-kii sida ay HOL u sheegeen maamulka dugsiga.

Maamulaha dugsiga Universal C/qaadir Macalin C/llaahi ayaa sheegay in tan iyo markii la aas-aasay Universal School in ardeyda ka baxday ay gaarayaan 3100 arday ah, kuwaa oo qaarkood xiligan wax ka dhiga qaar ka mid ah dugsiyada magaalada Beledweyne, halka kuwa kalana ay ka mid yihiin barayaasha isla dugsiga Universal.

Waxaa goob joog ka ahaa munaasabada ardeyda shahaadada lagu guddoonsiiyay marti sharaf kala duwan oo uu ka mid ahaa maamulaha shirkada Dahabshiil ee gobolka Hiiraan.

Xaaji Cismaan Dhagaxow madaxa shirkadda Dahabshiil oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa siweyn u soo dhaweeyay ardeyda ka qalab jabisay dugsiga, isaga oo kula dardaarmay in wax ay barteen uga faa'ideeyaan bulshada inteeda kale, sidoo kalana waxaa uu ku amaanay maamulka iyo macalimiinta Universal dadaalka ay u galeen sidii ay u soo saari lahaayeen dhalin wax waxbaratay, isaga oo sidoo kalana halkaa abaal-marino ku guddoonsiiyay ardeydii kaalmaha ku guuleystay.

Ardayda ka qalin-jabisay dusiga oo isugu jiray wiilal gabdho ayaa siweyn ugu faraxsanaa mudo dheer kadib in ay soo dhameysaan waxbarashada dugsiga Universal, iyaga oo sheegay in ay bulshada uga faa'ideyn doonaan aqoontooda.

''Ardeydan qalab jabisay dugsiga 60 ka mid ah waxaa ay ka qalin jabiyeen Luuqda English-ka, halka 15 ta kalana ay barteen maadada Biology,'' ayuu yiri C/qaadir Macalin C/llaahi.

Dugsiga Universal oo ka mid ah dugsiyada ugu faca-weyn marka la eego magaalada Beledweyne ayaa guud ahaan maadooyinka ka baxa waxaa ka mid ah, Soomaali, English, Arabic, Math, Biology, Chemsitry, Physics, tarbiyo, taariikhda, iyo maadooyinka kale.

Ugu dambeytii, magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sanadihii ugu danbeeyay la oran karaa waa ay hormar ballaaran ka sameysay dhinaca waxbarashada, waxaana marka laga soo tago dugsiyada waxbarashada, sidoo kale magaalada ka furan ilaa sedax Jaamacadood oo ay wax ka bartaan ardeyda soo dhameysta dugsiyada sare.





C/raxmaan diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya