3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2013
Wafdi ka socda dowladda Soomaliya oo gaaray Kismaayo iyo iska horimaad ka dhacay duleedka magaaladaasi

Sabti, October 05, 2013(HOL) Wafdi uu horkacayo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jen. C/risaaq Qaliif Cilmi ayaa shalay kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, iyadoona wafdigan ay qeyb ka yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.

Ilaa imika ma cadda ujeedooyinka rasmiga ah ee imaatinka wafdigan ka socda dowladda federaalka Soomaaliya iyo AMISOM.

Masuuliyiinta maamulka Jubba weli kama hadlin imaatinka wafdigan, waxaana wafdigan uu maalintii labaad ku suganyahay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale dagaal qaatay saacado kooban ayaa shalay gelinkii danbe ka qarxay deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 25 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Weerarkan oo ay qaaden ciidamada maamulka Jubba ayay la beegsadeen saldhig ay deegaankaasi ku lahaayeen ciidamo uu hogaaminayo COL Barre Aadan Shire (Hiiraale), waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray iska horimaad xooggan.

Ilaa imika ma cadda khasaarooyinka rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadkaasi, haseyeeshee masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkii shalay ay guulo ka gaareen, waxaana shalay gabi ahaanba hawada laga saaray isgaarsiintii magaalada Kismaayo mudadii uu socday dagaalka labada dhinac.

 

Max’ed Xaaji Xuseen
[email protected]
Kismaya-Soomaaliya.













Click here
10/5/2013 8:57 AM EST
Sabti, October 05, 2013(HOL) -Wasiirka warfaafinta, Boostada iyo gaadiidka Soomaaliya C/laahi Ceelmooge Xirsi ayaa oo dhawaantan kasoo qaybgalay shirweynaha 38aad ee wadamada xubnaha ka ah hay’ada caalamiga ah ee duulimaadyada iyo saadaasha hawada ee (ICAO) oo gaaraya 191 dal ayaa sheegay in Soomaaliya dib loogu soo celinayo lacag malaayiin ah oo hawada Soomaaliya canshuur ahaan looga aruuriyay 22-kii sano ee Soomaaliya ay burbursanayd.

10/5/2013 8:51 AM EST
Sabti, Oktoobar 05, 2013 (HOL) — Xukuumadda Itoobiya ayaa shaacisay in aysan u qorsheynayn xilligan inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, kaddib markii Al-shabaab ay ku hanjabtay inay weerarro la beegsanayso dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

10/5/2013 8:37 AM EST
Sabti, Oktoobar 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta tababar u furay boqolaal sakaal oo ka tirsan ciidamada booliiska Somaalia ayaa ka dalbaday ciidamada booliiska inay la yimaadaan anshax suuban.

10/5/2013 8:12 AM EST
Sabti, Oktoobar 05, 2013 (HOL) — Munaasabad siweyn loo soo agaasimay islamarkaana shahaado lagu guddoon siinayay 75 ardey oo ka qalin-jabisay dugsiga Universal ayaa lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

10/5/2013 7:22 AM EST
Sabti, Oktoobar 05, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka tacsiyeeyay tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebaha jasiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

10/5/2013 7:07 AM EST
Sabti, Oktoobar 05, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ka hadashay weerar ay ciidammo ajnabi ah ku qaadeen xalay gellinkii dambe guri ku yaalla degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

10/5/2013 3:26 AM EST
Sabti, Oktoobar 05, 2013 (HOL) —Weerar ay geysteen ciidamo ajanebi ah oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa goor hore oo saaka ah ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

10/5/2013 2:48 AM EST
Sabti, Oktoobar 05, 2013 (HOL) —Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/samed Cali Shire, oo muddo 5 todobaad ka badan booqasho ku joogey degmada Taleex ee gobolka Sool, ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.