4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2013
Kismaayo oo looga diyaar-garoobayo soo dhaweynta Madaxweyne Xasan & Wafdi ka socda Jubba oo Muqdisho yimid

Isniin, October 28, 2013(HOL) :- Iyadoo la filayo in magaalada Kismaayo uu dhawaan gaaro madaxweeynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa degmadaasi siweyn looga dareemayaa u diyaargarow ku aadan arintaasi.

Hareeraha wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo ayaa lagu xardhay sawirrada madaxweeynaha dowladda Soomaaliya, waxaana dadka deegaanka ay aad u hadalhayaan imaatinka madaxweeynaha.

Shalay ayaa xarunta saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo lagu soo bandhigay ciyaaro hiddo iyo dhaqan ah, kuwaasoo qeyb ka noqon doona soo dhaweynta madaxweeynaha Soomaaliya.

Ilaa imika ma cadda xilliga rasmiga ah ee madaxweeynuhu tagi doono Kismaayo, haseyeeshee waxa la filayaa in uu mar booqasho ku tago Kismaayo, kahor inta uusan furmi shirka looga hadli doono arimaha Jubooyinka ee 2-da Noevember ka furmi doona Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa shalay gelinkii danbe magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socday maamulka Jubba, kaasoo hordhac u ah, wafdi ballaaran oo ka iman doona dhanka magaalada Kismaayo, kaasoo ka qeybqaadan doona shirka looga hadlayo arimaha Jubooyinka ee lagu qaban doono Muqdisho.

Maalmaha fooda nagu soo hayo ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan xubnaha maamulka Jubba uga qeybgalayo shirka, iyo sidoo kale xubno uu hogaaminayo COL Barre Aadan Shire (Hiiraale). Waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho ku sugan siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Jubooyinka oo iyaguna ka qeybqaadan doona shirka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya