4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2013
Hay’adda HARO oo soo Gunaanadday deeq hilbo ah oo ay ka qaybisay qaar ka mid ah Gobollada dalka Somalia (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) —Hay’adda samafaka ee Humanitarian African Relief Organization (HARRO) ayaa soo gaba-gabeysay barnaamijka xoolo-qalka ee ciidul-adxa, iyadoo hilbo u qaybisay qoysas danyar ah oo ku nool Muqdisho, Gaalkacayo iyo Baydhabo iyadoo qaybisay hilbaha xoolo isugu jira ari iyo lo’.

Magaalada Muqdisho ayaa waxay hay’addu ka qaybisay hilbo isugu jira ari iyo lo’, waxaana loo qaybiyay dad barakacayaal ah oo ku jira dhowr kaam kuwaasoo si aad ah ugu baahnaa deeqdan, waxana kormeerayay sida ay u socoto qaybinta deeqdan hilbaha ah madax ka socotay xafiiska Hay’adda HARO ay ku leedahay Soomaaliya.

Sidoo kale, magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayay hay’addu ka qaybisay hilib u badan ari, kuwaasoo la siiyay dad masaakiin ah iyo dad Barakacayaal ah, waxaana iyagana kormeerayay howshan wakiillada Hay’adda ee gobolka Bay, iyadoo dadkii loo qabiyay qaarkood ay sheegeen inay muddo dheer ugu dambeysay inay cunaan hilibka ariga, waxayna u mahad-celiyeen hay’adda iyo dadkii soo dhiibay deeqdan xoolaha ah.

Dhanka kale, magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa iyadana waxay hay’addu ka qaybisay xoolo u badan ari; waxaana la siiyay dad danyar ah oo ku nool magaaladaas. Iyadoo aaybinta hilbahan ay isha ku hayeen xiubno ka socday xafiiska hay’adda ee Gaalkacyo; kuwaasoo xaqiijinayay inay gaartay deeqdan dadkii ay hay’addu ugu talo-gashay. 

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta hay’adda ayaa sheegay in deeqdan ay ka timid walaalaha ku nool waqooyiga Ameerika iyagoo u wakiishay in hay’adda HARO ay gaarsiiso dadka masaakiinta ah ee ku nool Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta hay’adda ayaa sheegay in jaaliyaduhu ay ugu talo-galeen deeqdan dadka masakiinta si ay munaasabadda ciidul-adxa looga farxiyo, waxaana dadkii loo qaybiyay ay sheegeen inay aad ugu farxeen in deeqdan lasoo gaarsiiyo.

Hay’adda HARO ayaa waxay ka mid tahay hay’adaha samafalka ah ee dalka ka shaqeeya, iyagoo kaalin weyn kasoo qaatay caawinta dadka Somaaliyeed xilliyadii adkaa ee dalku soo maray sida xilliyadii daadku gobollo dalka ka mid ah ku dhufteen iyo weliba xilliyadii abaaraha macluusha dhaliyay ay ku dhufteen gobollada Koonfureed iyo kuwa bartamaha dalka sannadkii 2011.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya