4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2013
Sheekh Axmed Madoobe oo diiday in Col. Barre Aadan Shire uu ka qaybgalo shirarka looga hadlayo Arrimaha Jubbooyinka


Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay inuusan ka qaybgalayn shir looga hadlayo arrimaha Jubbooyinka oo lagu qabanyo magaalada Muqdisho, kaddib kulan ay Kismaayo ku yeesheen isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale ay labada mas’uul uga hadleen sidii shirarka looga hadlayo arrimaha Jubbooyinka looga qayb-gelin lahaa Col. Barre Hiiraale oo horay ay u dagaalameen ciidamada Sheekh Axmed Madoobe, balse hoggaamiyaha Jubba ayaa gaashaanka ku dhuftay fikirkaas.

Ilo wareedyo ku dhow halka uu shirku ka dhacay ayaa sheegaya in labada mas’uul ay isku af-garan waayeen arrinta ku saabsan ka qaybgalka shirarka ee Col. Barre Hiiraale, iyadoo la sheegayo in Sheekh Axmed Madoobe uu si toos ah uga soo horjeestay in Col. Barre Hiiraale uu shirarka ka qaybgalo.

Sidoo kale, Sheekh Axmed Madoobe ayaa diiday in Col. Barre Hiiraale uu soo galo gudaha magaalada Kismaayo, lagana dhoofiyo garoonka magaaladaas, iyadoo ay weli socdaan shirarka arrintan ku saabasn.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo shalay warbaahinta kula hadlayay Kismaayo markii uu hallkaas tagay ayaa sheegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo sidii uu wadatashi ula yeelan lahaa mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba.

Ma jirto wax isku soo dhawaasho ah oo labada dhinac u dhexeysa, inkastoo lagu wado in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tago Kismaayo, inkastoo aan la ogey xilliga uu tagayo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay dadaal ugu jirtaa sidii maamulka KMG Jubba oo ay heshiis kula soo gashay Addis Ababa bishii Ogoosto ee 2013 ay ugu qancin lahaayeen in la dhameystiro qodobbada heshiiska, si maamulka iyo dowladda ay u dhex-marto wadashaqeyn toos ah.

Dhanka kale, waxaa dib u dhac uu ku yimid maanta shir la sheegay in looga hadli doono arrimaha Jubbooyinka oo horay xukuumaddu ay u sheegtay inuu 21-ka bishan Oktoobar oo maanta ku beegan uu ka dhici doono Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya