4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2013
Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Degmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Wafdi ka socday xukuumada Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wasiirrka Kheyraadka dalka C/risaaq Cumar Max’ed iyo wasiirrka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo maalintii shalay uu ka dhacay weerar Ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen dad rayid u badnaa.

Xubanaha gollaha wasiirrada ayaa markii ay gaareen magaalada Beledweyne kulan balllaaran la yeeshay, mas'uuliyiinta maamulka gobolka, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo todobaadyadii ugu daneeyayba ku sugnaa magaalada, xubno ka socday wasaarrada arrimaha gudaha, odayaal dhaqameed, mas'uuliyiin horay xilal uga soo qabtay maamulka gobolka Hiiraan, iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ay dhamaantood uga tacsiyeeyeen weerarkii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne.           

Wasiirka wasaarrada Kheraadka C/risaaq Cumar Max’ed ayaa sheegay in ay dowladdu si weyn uga xuntahay weerarkii shalay ka dhacay Beledweyne oo sida uu sheegay ahaa weerar fulaynimo ah oo ay soo qaadeen kooxaha sida uu hadalka u dhigay argagixisada.

“Dowladda runtii dhacdadii maalintii shalay halkan [Beledweyne] ka dhacday aad ayeey uga xumaatay, waxaa uu ahaa weerar bahalnimo ah oo la oran karo dhinac kale waxaa uu ahaa mid fuleynimo ah oo lagu laayay shacabka aan waxba galabsan oo maqaaxida fadhiyay, waan u tacsiyadeyneynaa dhamaan eheladii ay dadkooda ku geeriyoodeen weerarkaas,’’ ayuu yiri wasiirrka Kheyraadka.

Wasiirka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi in Al-shabaab guul-dareysteen, kadib sida uu hadalka u dhigay u soo jeesteen in ay bartilmaameedsadaan dadka rayidka ah, laakiin waxaa uu sheegay in taas aysan ka hor istaagi doonin dowladda sii wadista dadaalada nabadeed.

“Shacabka waan in ay gacan ku siiyaan ciidamada dowladda iyo AMISOM sidii looga adkaan lahaa kuwa falalka noocan oo kale ah ku kacaya, marnaba talaabooyinka iyo ficiladaan foosha xun nagama hor istaagi doonaan dadaalka nabadeed iyo hormarka aynu hiigsaneyno,’’ ayuu yiri wasiirrka gaashaandhiga.

Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay oo ay mas’uuliyadiisa sheegteen Al-shabaab waxaa ku nafwaayay 19 ruux oo u badnaa dad rayid ah, halka in ka badan 30 ruuxna ay ku dhaawacmeen, kuwaa oo maanta qaarkood dhaawacooda loo qaaday magaalada Muqdisho.








C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya