4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2013
Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo maanta si rasmi ah goboladda uga bilaabay Tallaalka Cudurka halista ah ee Dabaysha

Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Gobolladda iyo Degmooyinka Somaliland ayaa maanta si rasmi waxa uga bilaabmay talaalka cudurka Dabaysha oo la sheegay inuu ka dilaacay dalalka Jaarka ah.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo kaashanaysa hay’adda UNICEF iyo WHO ayaa dhamaan gobolada u kala dirtay kooxo ka tallaalka caruurta iyo dadka waaweyn Dabaysha, kuwaasoo shaqadooodii saaka ka bilaabay dalka.

Madaxweynaha Somaliland iyo wasiiraddiisa ayaa iyagu dhibcihii u horeeyey ee talaalka ku qaatay xarunta madaxtooyada, kuwaas oo dadweynaha ugu baaqay inay is talaalaan si cudurkaasi oo naafo  iyo dhimashaba keena looga hortago.

“Waxaan ku guubaabinayaa dadka, uguna baaqayaa inay qaataan talaalkan. Waxaan ilaahay uga rajeynayaa inuu caafimaad inna wada siiyo”ayuu yidhi Madaxweyne  Axmed Siillaanyo oo dadweynaha ku boorinayey inay talaalka qaataan.

Wasiirka Caafimaadka, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa sheegay inay u qorsheeyeen inay ka qaybqaataan ololaha talaalka 1670 kooxood oo min laba qof ka kooban kuwaas oo loo kala qaybiyey dhamaan gobolada oo dhan, waxaanu sheegay inuu talaalku socon doono toddoba cisho.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in talaalka Cudurka Dabaysha uu hore ugu koobnaa uun Caruurta, balse hadda lagu daray dadka waaweyn, maadama oo la arkay dadwaaweyn oo uu cudurakaasi ku dhacay, sidaa darteed laga hortagayo inta aanu bulshadda soo gaadhin.

Si kastaba ha ahaatee,waxa labadii dhibcood ee u horeeyey lagu bilaabay madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo qaar ka mid ah wasiiradda, kuwaas oo dhamaantoodba dadka ugu baaqay inay is talaalaan si looga badbaado cudurkaasi Dabaysha oo keena naafo iyo geeriba.

Cudurkan ayaan lahayn dawo ka hor tag mooyee, sidaa darteed waxay masuuliyintii halkaasi ka hadashay dadweynaha ka codsadeen  inay si fiican ula shaqeeyaan kooxaha talaalka isla markaana caruurta ay talaalaan, maadaama oo dawooyinka la siinaya bilaash yahay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland