4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Hay’adaha dowladda ka dalbaday in gurmad loo fidiyo dadkii ku Waxyeelloobay Qaraxii Baladweyne

Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya inay u gurmadaan dadkii waxyeelladu kasoo gaartay qaraxii ka dhacay magaalada Baladweyne shalay oo Sabti ahayd.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay Baladweyne uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin howlaha ka socda gobolka Hiiraan, isagoo ku daray hadalkiisa in Al-shababa ay awooddoodu aad u xumaatay.

“Madaxweynuhu wuxuu hay’adaha dowladda ka dalbaday inay gargaar deg-deg ah la gaaraan dadkii ku waxyeelloobay Baladweyne,” sidaa waxaa yiri afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Yariisow oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay oo ma’suuliyaddiisa ay Al-shabaab sheegatay ayaa waxaa ku dhintay 19-qof oo qaar ka mid ah ay u dhinteen dhaawacyo soo gaaray, halka ay 40-qof oo kale ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen.

“In nidaamka dalka lasoo celiyo waa hadafka koowaad ee madaxweynaha waa hadafka dowladda, madaxweynuhuna meel walba oo uu tago arrintaas ayuu ka sheegaa, hadana waxaan mareynaa marxaladii ugu dambeysay oo dalka lagu xasilinayo,” ayuu yiri afhayeenka madaxweyanha.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa ururo ay ka mid yihiin Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo dalalka saxiibada la ah Soomaailya ay waddo dadaal lagu xoojinayo ciidammada xoogga dalka.

Ugu dambeyn, afhayeenka xukuumadda ayaa sheegay in Al-shabaab ay ku jiraan marxlado quus ah isagoo xusay inay dowladda ka go’an tahay inay ka saarto dalka oo dhan, si nabadgalyada loo adkeeyo.

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Baladweyne ayaa noqonaya kii labaad oo degmadaas ka dhaca tan iyo markii Al-shabaab lagala wareegay maalmihii ugu dambeeyay ee sannadkii 2011.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya