4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2013
Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty oo Dowladda Kenya ugu baaqday inaysan dib u celin Qoxootiga Soomaaliyeed

Kenya hosts almost 500,000 refugees and asylum seekers, the vast majority from Somalia.
Arbaco, Oktoobar 02, 2013 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa uga digtay dowladda Kenya inay kumannaanka qoxootiga Soomaaliyeed ay dib ugu celiso dalkooda oo dalkooda ay weli ka jiraan rabashado iyo khatar dhinaca ammaanka ah.

Warbixin hay’addu ayaa daba-socotay qorshe uu soo jeediyay guddoomiyaha guddiga difaaca ee baarlamaanka Kenya, Ndung’u Gethenji oo dowladda ay uga codsanayaan in dib loo celiyo qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda ku sugan.

“Qoxootiga Soomaalida dib looguma celin karo dalkooda, waayo weli waxaa ka jiro qaybo dalkooda ka mid ah weerarro ay Al-shabaab la beegsanayso shacabka. Sidaa daraadeed dowladda dowladda waa inay sharciyada dunida ee qoxootiga ay xaq-dhowrto,” ayuu tiri ku xigeenka madaxa Afrika ee hay’adda Amensty, Sarah Jackson.

Baaqa xildhibaanka ayaa daba-socda weerarkii lagu qaaday suuqa ganacsiga  ee Westgate Mall oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab oo ah koox ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

“Eedeymaha ku saabsan in ammaan-xumada Kenya sida weerarkii Nairobi ay sabab u yihiin xeryaha qoxootiga ee ku yaalla dalkaas, waxay qayb ka tahay faruuqa lagu hayo dadka magan-galyada u soo doontay Kenya,” ayay tiri Jackson.

Iyadoo sii hadlaysa ayay intaas ku dartay: “Kenya waxay qayb ka tahay dalalkii saxiixay qodobbada xuquuqda aadanaha, sidaa daraadeed waa inay soo dhaweyso dadka magan-galyo doonka ah. Tanina waa qayb ka mid ah sharciyada caalamiga ah, waana inay adeecdo.”

Dalka Kenya ayaa waxaa ku nool in ka badan Nus malyuun qof oo qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo ku jira xeryaha Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya oo ay marto soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Hay’adda Amnesty ayaa sidoo kale warbixinteeda ku sheegtay in 1.1 milyan qof oo Soomaaliya ay ku barakacsan yihiin gudaha Soomaaliya, kuwaasoo 80% ku nool deegaannada ay colaadu ka jiraan ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Bishii December 2012, xukuumadda Kenya waxay soo saartay amar ay ku dalbatay in dhammaan qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkeeda ay ku xaroodaan xeryaha qoxootiga, taasoo muran badan dhalisay.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa 26-kii bishii July ee sannadkan waxay soo saartay go’aan ay ku joojinayso in qoxootiga ku nool magaalooyinka dib loogu celiyo xeryaha qoxootiga Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya