4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2013
Dood ku saabsan la xisaabtamka wakiillada ay Jaliyaadda Soomaaliyeed ee Minnesota doortaan oo lagu qabtay Minneapolis (SAWIRRO)


Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Dood-cilmiyeed ku saabsanaa sida ay ula xisaabtami karaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minneapolis xubnaha ay doortaan ayna uga qeyb-gali  karaan doorashooyinka, gor-gortana ay ula geli  karaan musharaxiinta u kala tartameysa cododkooda ayaa maanta ka dhacay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Kulankan doodad ah waxaa soo qaban-qaabiyay hay’adda ISUROON ee u ololeysa caafimaadka dumarka iyo shaqaaleynta Soomaalida ee gobolka Minnesota ku nool,  waxaana fududeynayay afhayeenkii golaha wakiilada gobolka Minnesota, Prof. Steve Sviggum oo hadda ah macallin machadka Humphrey ee jaamadda Minnesota ka dhiga culuunta siyaasadda.

“Jaaliyadda Soomaalidu waa inay wax badan ka fahantaa sida ay u shaqeyso siyaasadda Mareykanka, dastuurka dalka iyo gobolka iyo guud ahaan taariikhaha kala duwan ee xeerarka dalka” ayuu yiri Rep. Sviggum “Qof kasta oo idinka mid ah wuxuu xaq u leeyahay inuu fikirkiisa, codkiisa iyo aqoontiisa isticmaalo” ayuu sii raaciyay.

Sviggum wuxuu sheegay in bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota ay tahay jaaliyad wanaagsan, wuxuuna ku booriyay inaysan ka gamban xaqooda, isla markaana ay ka qeyb galaan wax ka badalka iyo soo jeedinta sharciyada gobolka iyo dalkaba.

Fartuun Weli oo madax ka ah Hey’adda Isuroon oo kulankan soo qaban-qaabisay ayaa sheegtay in muhiimada ay kulankan u qabteen ay aheyd sidii bulshada Soomaaliyeed ee Gobolka ay u baran lahaayeen la xisaabtanka dadka ay codkooda siinayaan.

“Sababta aan kulankan u soo qaban qaabinay waxay tahay in Jaaliyadda Soomaaliyeed aan fahansiino muhiimada ay leedahay doorashada iyo waxyaabaha ay ku gor-gortami karaan marka ay musharraxiintu weydiisanayaan codadkooda” ayay tiri Fartuun Weli

“Waxyaabaha muhiimka ah ee Jaaliyaddu ku gor-gortami karto waxaa ka mid ah Caafimaadka, waxbarashada, shaqada iyo guryeynta, sidaa daraadeed maadaama doorashooyin ay soo dhowyihiin waa in loo diyaar garoobaa” ayay tiri Fartuun.

Kasoo qeyb qaleyaashii kulankan ayaa tilmaamay inay jirto aqoon darri dhinaca sharciyada, shaqada xaafiisyada wakiilada la doorto iyo awooda codka intaba.

Kulankan ayaa ku soo aaday iyadoo ay gobolka Minnesota ay si xowli ah uga socdaan ololaha doorashooyinka Duqa magaaladda Minneapolis, wakiilada degmooyinka iyo xoghayeyaasha gobolka kuwaas oo lagu wado inay dhacaan bisha soo socota ee November.





Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota