4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2013
Wiil u dhashay dalka Turkiga oo gabar Soomaaliyeed oo Maanta arooskoodu ka dhacay Hoteel ku yaalla Magaalada Muqdisho


Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Mid ka mid ah dhallinyarada kasoo jeeda Turkiga ee ka shaqeeya hay’adaha samafalka Turkiga ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta guursaday gabar Soomaaliyeed, guurkan oo noqonaya xiriirkii ugu horreeyay ee dhinaca guurka ah oo dhexmara shacabka Turkiga iyo kuwa Soomaaliyeed.

Arooska oo lagu magacaabo Muhamet Birlik ayaa guursaday gabar iyadana lagu magacaabo, Khadiijo Cali Shariif, iyadoo labadooda ay ka muuqatay farxad weyn intii uu arooskoodu ka socday Hoteelka City Palace oo ka mid ah hoteellada ugu waaweyn Muqdisho.

Inkastoo aysan arooska iyo aroosaddu warbaahinta hadal siin ayaa haddana waxay muujinayeen mararka qaarkood sida ay ugu faraxsan yihiin inay ka mid noqdaan lammaanayaasha caalamka.

Guurka ayaa waxaa loo sameeyay sida ay Soomaalidu aroosyada u sameyso iyadoo gabadha loo xiray Taajyada arooska, halka wiilkana uu xirnaa dharka ay raggu qaataan ee Suudka loo yaqaanno.

“Tani waxay tusaale u tahay sida uu u sii xoogeysanayo xiriirka labada dal u dhexeeya. Turkigu waa dad walaalaheen ah wayna mudan yihiin in haween la siiyo, haddii haweenkooda ay guur doonayaanna la guursado,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii arooska kasoo qaybgalay.

Xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sugnaa hoteelka uu aroosku ka dhacayay kuwaasoo u muuqda inay qaban-qaabiyeyaal ka ahaayeen arooskan oo aan horay uga dhicin Muqdisho.

Dalka Turkiga ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan boqolaal shaqaale ah oo ka shaqeeya hay’adaha samafalka ee Turkiga iyo safaaradda  dalkaas uu ku leeyahay Muqdisho, waxayna si wanaagsan u fahmeen Soomaalida.

Shaqaalaha Turkiga ah ee Muqdisho ku sugan ayaa waxay si aanay baqdin ku jirin uga adeegtaan suuqyada kala duwan ee Muqdisho, iyagoo dhexgalay dadka Soomaalida ah, mararka qaarkoodna aad arkayso iyagoo kaftamaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya