4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2013
Mid ka mid ah Baallayaasha Qorraxda ku Shaqeeya ee ku yaalla jidka Maka Al-Mukarama oo Saakay Qarax lagu burburiyay

Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Qarax miino ayaa aroornimadii hore ee saakay lagu burburiyay mid ka mid ah baallayaasha cad-ceedda ku shaqeeya oo ku yaalla jidka Maka Al-Mukarama oo ah midka ugu mashquulka badan xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

Inkastoo qaraxan uusan geysan wax khasaare nafeed ah ayaa wuxuu dhulka la simay baallaha, iyadoo aanay jirin cid loo qabtay qaraxan iyo cid sheegtay inay mas’uul ka tahay.

“Saakay waaberigii hore ayaan waxaan maqalnay qarax weyn, markii aan u dhaqaaqnay halkii uu ka dhacay waxaan aragnay baalle ka mid ah kuwa ku shaqeeya cad-ceedda oo dhulka yaalla,” ayuu yiri goobjooge warbaahinta la hadlay.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa markiiba goobta uu ka dhacay qaraxa, iyagoo sameeyay baaritaanno aysan cidna ku soo qaban, iyadoo dadka goobjoogayaasha ah ay sheegayaan in qaraxa uu u ekaa mid xalay lagu xiray baallaha.

Qaraxan lagu burburiyay baallahan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay xukuumadda Soomaaliya sheegtay in ammaanka Muqdihso uu yahay mid la isku halleyn karo, ayna hay’adaha amnigu soo qabqabteen xubno doonayay inay falal ammaan-darro ka geystaan Muqdisho.

Waddada Maka Al-Mukarama ayaa midda ugu mashquulka badan iyadoo ay xilliyada habeenkii ahna ilaaliyaan ciidammo gaar ah, balse lama oga sida ay ugu suuro-gashay kooxaha weerarka ka dambeeyay inay miino ku xiraan mid ka mid ah baallayaasha cad-ceedda ku shaqeeya.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay falkan Al-shabaab, inkastoo aysan Al-shabaab ka hadlin qaraxan lagu bartilmaameedsaday ballahan ka mid ah kuwa ku shaqeeya cad-ceedda.

Toban baalle ayaa tan iyo markii maamulka gobolka Banaadir uu hirgeliyay baallayaashan cusub la qarxiyay, kuwaasoo intooda badan ku yaalla jidka soddonka oo ka mid ah jidadka ugu waaweyn magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya