3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2013
Wasiirka Amniga Maamulka Puntland oo Shaaciyay in Al-shabaab ay waddo abaabullo ay Weerarro kaga geysanayso Puntland


Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Wasiirka amniga Puntland, Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay inay jiraan qorshayaal ay Al-shabaab ku doonayso inay weerarro kaga geysato deegaannada maamulka Puntland.

Khaliif Ciise oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay dhawaanahan shirar ku lahaayeen magaalada Baraawe, halkaasoo ay ka maleegayeen qorshayaasha argagaxiso ee ay doonayaan inay ka geystaan Puntland.

“Dhawaanahan magaalada Baraawe waxaa ku shirayay qoladii sharta waday, waxayna doonayaan inay qaraxyo ka geysataan Puntland, gaar ahaan meelo ay ka mid tahay Garoowe,” ayuu yiri wasiirka amniga Puntland.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu shacabka Puntland ku boorriyay inay ciidamada amniga lasoo socodsiiyaan cid walba oo ay u arkaan inay qorsheynayso inay ka geysto deegaannadooda falal ammaan-darro iyo qaraxyo.

“Waxaa jira xogo aan helayno oo sheegaya inay Puntland kusoo wajahan yihiin xoogag Al-shabaab ka tirsan ay dhibaato uga geystaan iyo kuwo kale oo aan ku daba-jirnay, waxaana Alle weydiisanaynaa inuu na waafajiyo sidii aan gacanta ugu soo dhigi lahayn,” ayuu yiri wasiirka amniga Puntland.

Al-shabaab ayaa waxay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin deegaanno ka tirsan Puntland halkaasoo ay ka abaabulaan weerarro ka dhan ah ciidamada kala duwan ee Puntland, inkastoo wasiirku uu sheegay in degmada Baraawe laga soo abaabulay weerarrada uu sheegay inay Al-shabaab doonayso inay ka geysato deegaannadooda.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinac Al-shabaab oo sheegaya inay qorshayaal ka dhan ah Puntland maleegayaan, waxaana hadalka wasiirka uu kusoo beegmayaa iyadoo Al-shabaab ay dhawaan sheegtay sheegtay inay sare u qaadayso dagaallada ay ku jirto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/16/2013 2:05 PM EST
Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland oo maanta Garoowe dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay mashaariic shidaal baaris ah oo la filayo in sanadka soo socda ay ka bilaabmaan qaybo kamid ah dalka Soomaaliya.

10/16/2013 11:33 AM EST
Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) —Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib muddo dhowr todobaad ah oo ay safarro shaqo dibadda ugu maqnaayeen.

10/16/2013 8:46 AM EST
Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Agaasimayaal iyo wakiillo ka kala socda qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda federaalka Somalia ayaa maanta kulan kula yeeshay garoonka diyaaradaha Muqdisho dublamaasiyiin ka socda dowladda Netherlands, iyadoo kawada hadlay sidii iskaashi uu u dhexmari lahaa labada dowladood.

10/16/2013 8:06 AM EST
Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ee qaybga ka ah AMSIOM ay sii joogi doonaan Somalia inta ay cagaheeda isaga taagayso, amnigana dib looga soo celinayo, kaddib khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ciidul Adxa oo lagu qabtay magaalada Jabuuti.

10/16/2013 7:52 AM EST
Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka Itoobiya ayaa xiray saddex qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la lahaayeen qarax ka dhacay magaalada Addis Ababa maalintii Axadda ahayd, kaasoo ay laba qof oo la sheegay inay Soomaali ahaayeen ku dhinteen.

10/16/2013 7:15 AM EST
Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somali, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kaalmada dhinaca ammaanka ah ee ay ka helaan dalalka caalamku ay tahay mid aad u yar, isagoo ugu baaqay in Soomaalidu ay ku tashato in ciidamada ammaanka aysan jirin cid u maqan.

10/16/2013 7:06 AM EST
Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Kaddib kulan ballaaran oo magaalada Beledweyne ay ku yeesheen xubnaha ka socda wasaarada arrimaha gudaha, xildhibaanno, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha gobolka Hiiraan ayaa looga dhawaaqay in la guda–gallay wajigii labaad qorshaha dhismaha maamulka gobolka Hiiraan oo ah mid ku iman doona hab doorasho.

10/16/2013 2:51 AM EST
Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in wadashaqeyn wanaagsan ay kala dhexeyso baarlamaanka Somalia isagoo xusay in halkii sano ee ay jirtay xukuumaddu ay dhowr ajande u gudbisay golaha shacabka.

10/16/2013 2:32 AM EST
Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Afhayeenka guud ee Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo degmada Baraawe kula hadlayya boqolaal qof oo ka tirsan shacabka degmadaas ayaa sheegay in dalka Kenya uu ku dhawaaday inuu ka mid noqdo goobaha ay ka taliyaan.

10/16/2013 2:12 AM EST
Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Xoghayaha guud ee golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin warar sheegaya inay ku amareen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu horyimaado baarlamankaa si uu kalsoonida u weydiisto, warkaas oo ay warbaahinta qaarkeed baahisay.