4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2013
Wajigii labaad ee qorshaha doorashada Maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan oo la guda-galay iyo ergooyin la xulayo (SAWIRRO)


Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Kaddib kulan ballaaran oo magaalada Beledweyne ay ku yeesheen xubnaha ka socda wasaarada arrimaha gudaha, xildhibaanno, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha gobolka Hiiraan ayaa looga dhawaaqay in la guda–gallay wajigii labaad qorshaha dhismaha maamulka gobolka Hiiraan oo ah mid ku iman doona hab doorasho.

Agaasimaha guud ee wasaarrada arrimaha gudaha iyo ammniga Cali Abtidoon Xalane oo ka hadllay kulanka ayaa si cad ugu dhawaaqay in loo gudbayo wixii hadda ka danbeeyay xulashada ergada degmo walba uga qeyb-galli doontai doonta soo xulista gollaha deegaannka oo marka danbe soo dooran doona mas’uuliyiinta maamulka la fillayo in uu badalo kan hadda jira.

“Waxaan rabnaa in aan odayaasha iyo waxgaradka ku war-galinno mudo dheer oo wadatashiyo iyo kulamo hoosaadyo socdeen kadib in hadda loo gudbay wajigii labaad qorshaha doorashada maamulka gobolka Hiiraan oo lagu saleyn doono golle deegaan, sidaa daraadeed odayaasha iyo waxgaradka beellaha waxaan ka dalbaneynaa in ay iska soo dhax xulaan ergooyinkii degmo walba u soo xuli laheyd xubnaha gollaha deegaannka, si marka guud ahaan arintaa loo soo dhameeyo, haddana loogu gudbo in la soo xulo golle deegaan oo heer gobol ah, kaa oo marka danbe soo dooran doona maamulka,’’ ayuu yiri agaasimaha wasaarrada arrimaha gudaha.

Mar uu soo hadal qaaday agaasimaha sida degmooyinka u kala helleen tirada ergada degmo waliba laga doonayo ayuu sheegay in magaalada Beledweyne ay ka soo galli doonaan 150 xubnood, halkaa afarta kale ee degmo looga baahan yahay si isla eg min 100 xubnood.

“Tusaale ahaan 150 xubnood ee laga soo xulayo magaalada Beledweyne waxaa ay dhisi doonaan gollaha deegaannka magaalada Beledweye, Matabaan sidoo kale, Buula-burte Maxaas iyo Jalalaqsi iyagana waa la mid, marka kadib haddana waxaa loo gudbi doonaa in degmo waliba tiro la cayimay ay u soo xushaan in ay uga mid noqdaan gollaha deegaannka heer gobol, kaa oo marka danbe soo dooran doona maamulka gobolka,’’ ayuu yiri agaasimaha.

Xildhibaannada iyo xubnihii kale ee ka socday dowladda ee kulanka ka qeyb-gallaya ayaa siweyn u soo dhaweeyay  habka ay wax u socdaan, iyaga oo sheegay in wax lagu farxo tahay markii ugu horeeysay in bulshada ku dhaqan gobollka Hiiraan u diyaar-garoobeen dhismaha maamul ay iyaga sameysanayaa, waxaana ay intaa ku darreen in ay si dhaw ugala shaqeyn doonaan odayaasha beellaha howlaha culus ee horyaala.

Nabadoon Faarax Cabdi Waare oo ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ka qeyb-gallay kulanka ayaa siweyn u soo dhaweeyay qorshaha doorashada maamulka gobolka Hiiraan, isaga oo ballan-qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u guda-galli doonaan howlaha loo xil saaray.

Agaasimaha ayaa ugu danbeyntii ka dhawaajiyay soo xulista ergooyinka ku eg tahay 25-ka bishan, isagoo intaas ku daray in ay gooni-gooni ula kulmaan dadka deegaanka si looga dhaadhiciyo hannaanka soo xulista.

Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne oo si dhaw ula socda dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira magaalada iyo qorshaha socda ee la doonayo in gobolka looga hergaliyo maamul hab doorasho ku dhisma, ayaa ku tilmaamay talaabada mid ku dasho mudan.






C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya