Ra’iisul Wasaarha Somalia oo sheegay in Wadashaqeyn Wanaagsan ay kala shaqeyso Golaha Baarlamaanka Soomaaliya
Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in wadashaqeyn wanaagsan ay kala dhexeyso baarlamaanka Somalia isagoo xusay in halkii sano ee ay jirtay xukuumaddu ay dhowr ajande u gudbisay golaha shacabka.
Mudane Saacid ayaa sheegay inaysan kala kulmin baarlamaanka muddadii uu xafiiska joogay wax caqabad ah, isagoo intaas raaciyay in 25 hindise iyo shan heshiis ay u gudbiyeen baarlamaanka.
“Waxaan halkan ka qirayaa in baarlamaanka iyo xukuumadda ay u dhexeyso wada-shaqeyn wanaagsan, waxaana halkii sano aan u gudbinnay 25 hindise sharciyeed iyo shan heshiis, dhammaantoodna waxay u meel-mariyeen si ay u ku jirto kalsooni buuxda iyo shaqo wanaag,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Sidoo kae, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumaddu ay ku kalsoon tahay wadashaqeynta kala dhexeysa baarlamaanka, isagoo sheegay inay u gudbin doonaan sannadka soo socda mooshinno iyo heshiisyo kale oo intaas ka badan.
“Baarlamaanku wuxuu muujiyay shaqo wanaag hufan, waxaana inagu diyaar u nahay inaan ula shaqeyno si wanaagsan, tanina waxay caddeyn buuxda u tahay in xukuumaddu ay diyaar u tahay in lala xisaabtamo” ayuu ku daray hadalkiisa.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalka ka sheegay kulan qado-sharaf ahayd oo shalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, isagoo intaa ku daray inuu ku faraxsan yahay howlaha dowladda Somalia u qabsoomay intii ay jirtay, uuna shaqo intaas ka wanaagsan u rajeynayo sannadaha soo socda.
Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa inuu 26-ka bishan Oktoobar hortago baarlamaanka Soomaaliya si uu khudbad uu ku sharraxyo wax-qabadka xukuumadiisa sannadkii lasoo dhaafay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya