4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2013
Munaasabadda Ciidul-Adxa oo Maanta si weyn looga Dabaal-dagay Gobolka Sool iyo Degmooyin kala duwan (SAWIRRO)


Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle ayaa maanta si wanaagsan looga ciiday, iyadoo ay boqolaal qof ay isugu soo baxeen goobo loo cayiray inay dadku ku tukadaan.

Goroonka Masalaha oo ku yaalla Koonfurta Laascaanood, masjidka jaamaca ah oo dhinaca Waqooyi ku yaalla iyo barxada dugsiga Hoyga ayaa maanta lagu tukaday salaaddii ciidda, iyadoo halkaas ay isugu soo baxeen shacab fara badan.

Bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood oo wajiyadoodu ka muuqday farxad yo rayn-rayn ayaa isugu hambalyaynayay maalinta koowaad ee ciidul Adxa, iyadoo maamulka gobolka Sool iyo kan degmada ay dadweynaha kula tukadeen masjidka jaamaca.

Magaaladda Buuhoodle ayaa iyadana waxay dadka ku nool isugu soo bexeen garoonka kubada cagta ee Xabbado, halkaas oo ay culummada deegaanka guud ahaan ku midaysnaayeen maalintan weynaynteed.

SAWIRRADA CIIDDA HALKAN KA DAAWO:

Sidoo kale, degmada Taleex ayaa iyadana bulshada ku nool ay ku tukadeen barxadda Xiidda oo duleedka degmada ku taala, iyadoo ay ka muuqanayeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Khaatumo oo ka mid yahay madaxweyne ku xgeenka, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

Degmada Xuddun ayaa iyadana lagu tukadey laba goobood oo ku kala yaal Waqooyiga iyo Koonfurta, iyadoo dadka deegaanka ay ku mashquuleen inta badan qalidda xoolaha ay ciidda ugu talo-galeen.

Munaasabadda ciidan ayaa si aad ah uga duwanayd habkii sannadihii la soo dhaafay looga ciiday magaalooyinkan, iyadoo dadka intooda badan ay si aad ah u qalayeen xoolaha, kuwaasoo lagu sadaqeysanayay bulshada danyarta ah ee magaalooyinkaas ku nool. Iyadoo qiimaha ariga uu ka gaaray gobolka Sool 50-doollar.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool