4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2013
Wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika ee Somalia oo Maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Mahamet Salah Anndif iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay taliyaha guud ee ciidamada midowgga Africa AMISOM Jen Andrew Gutti ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa kulamo kala duwan la qatay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, iyada oo kulanka kadib ku soo wareegay xarumaha ciidamada, gaar ahaan xarunta gaaska shanaad ee Lama-galaay oo inta badan hadda lagu qabto tababarada ciidamada maamulka gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, wakiilka midowgga Africa iyo wafdigiisa ayaa tagay saldhiga booliiska magaalada Beledweyne oo uu tababar uga soconayo ciidamo booliiska, isaga oo u kuur-galay sida uu tababarku socdo.

Mahamet Salah Anndif oo la hadllay ciidamada ayaa ku dhiiri-galiyay howsha sida uu sheegay ay u hayaan bulshada, isaga oo si gaar ah ugu amaanay ciidamada booliiska kaalita ay ka qaataan sugida nabad-galyada.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in dhawaan ay soo gaari doonaan magaalada Beledweyne ciidamo booliiska oo ka tirsan midowgga Africa oo ka qeyb-qaadan doona sugida ammniga, gacan buuxda siin doona ciidamada maamulka gobolka Hiiraan.

“Maanta oo ah maalin Ciid ah aad ayaan ugu faraxsnahay in aan soo gaaro magaalada Beledweyne, aad ayaan ugu faraxsannahay howlaha kala duwan ee halka ka socda [Beledweyne], waxaana socdaalkanu yahay mid ku saleysan sidii aan ugu kuur-gali laheyn howlaha kala duwan ee ciidamada AMISOM, waana uga mahad celineynaa sida ay isaga xil saareen wax ka qabashada nabad-galyada iyo waliba tayeeynta ciidamada maamulka halka ka jira,’’ ayuu yiri wakiilka midowgga Africa.

Wafdiga iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka oo ay wehliyaan xildhibanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, saraakiisha Jabuuti iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa kulan gaar ah oo ay wada-qaateen waxaa looga wada hadallay arrimaha ammniga.

Socdaalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago magaalada Beledweyne wakiilka midowgga Africa ee Soomaaliya.








C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya