4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2013
Maalinta Koowaad ee Munaasabada Ciidul-Adxaa oo Maanta looga Dabaal-dagay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Munaasabada Ciidul-Adxaa oo ka mid ah kuwa sida weyn  quluubta shacabka muslimka ah ugu weyn meel kasta oo ay joogaan ayaa maanta si guud looga xusay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka mid qeybaha dalka ee sida weyn looga dabaal-dagay munaasabada Ciidul-Adxaa, iyadoo guud ahaanba masaajida ku yaala magaalada Beledweyne lagu tukaday Salaada Ciida.

Salaada kadib ayeey dadku isugu hablayeeynayeen farxada maanta oo kale ay leedahay, waxaana eryada ay dadku si dhaafasayeen ka mid ahaa [Kulu-Caam Wantum-Bikheyr iyo Ciid Wanaag]

Qoysaska iyo waliba dadka ehelada ah ayaa is booqanayay, iyadoo maanta oo kale  cid kasta oo awood u leh ay gowracday neefka Udxiyada, taasoo keentay in ay qof kasta kan kale oo ay asxaabta ama ehelada  yihiin ku-martiqaado gurigiisa,si ay u wada qeyb-sadaan farxada maalinta Ciida una wada damaashaadaan.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa shacabka ku dhaqan gobolka u dirray hanbalyada munaasabada Ciidul-Adxaa, iyaga oo ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan ammniga.

Munaasabada Ciida ayaa ku soo beegatay xili magaalada Beledweyne ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo isugu jiray wasiiro iyo xildhibaanno, qeyb ka ah qaban-qaabada dhismaha maamul gobolka Hiiraan oo ku yimaada hab doorasho ah, waxaana ay mas’uuliyiinta laftikooda si gooni gooni ah u lahaayeen munaasabado iyo waliba xaflado ay ku weyneynayaan Ciid-Carafo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya