3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2013
Madaxda Dowladda Somalia oo Boqolaal Muslimiin ah kula Tukaday Maanta Masaajidka Isbahaysiga Islaamka (SAWIRRO)


Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa kula tukaday maanta masaajidka isbahaysiga Islaamka salaaddii ciidul-adxa, iyadoo hadal uu madaxweynuhu ka jeediyay masaajidka uga dalbaday dadka Soomaaliyeed inay isku naxariistaan oo ay is-cafiyaan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka inay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa dalka. Isagoo xusay in Qaranimada aan lagu gaari karin tafaraaruq iyo kala daadsanaan.

“Ciiddan ciiddeeda waxaan shacabka Soomaaliyeed u rajeynayaa inay nabad ku ciidaan, waxaana ku boorrinayaa in si wadajir ah looga shaqeeyo nabada dalka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in nabadda dalka ay ku xiran tahay dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in haddii aan nabadda aan si wadajir ah looga  shaqeyn aysan soo laaban karin.

DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa inay is-cafiyaan oo ay niyadda isku furan, waayo maanta waxaa billowday maalmo farxsadeed oo Islaamka muhiimad gaar ah u leh,” ayuu madaxweynuhu ku yiri hadal uu ka jeediyay masaajidka isbahaysiga Islaamka.

Intaas kaddib waxaa isaguna hadlay wasiirka warfaafinta Somalia, C/llaahi Ciilmooge Xirsi isagoo sheegay in shacabka looga baahan yahay inay kala shaqeeyaan ciidamada ammaanka sidii nabadda loo adkeyn lahaa, isagoo ka digay in shacabku ay caawiyaan kooxaha nabadda-diiddan.

Dhanka kale, dadkii isbahaysiga Islaamka kula tukaday madaxda dowladda ayaa waxaa ka mid ahaa shaqaalaha Turkiga ah ee ku sugan Soomaaliya, iyagoo qaarkood oo warbaahinta la hadlay ay sheegeen inay si aad ah ugu faraxsan yihiin inay shacabka Soomaaliyeed la ciidaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/15/2013 7:22 PM EST
Sidee looga ciiday maanta munsaabadda Ciidul Adxaa. Daawo sawiro laga soo qaaday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

10/15/2013 12:25 PM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud, guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta munaasabad qado-sharaf ah u sameeyey xildhibaannada golaha shacabka, waxaaba kasoo qaybgalay ra’iisul wasaare ku-xigeenka, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo xubnaha baarlamaanka.

10/15/2013 12:24 PM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle ayaa maanta si wanaagsan looga ciiday, iyadoo ay boqolaal qof ay isugu soo baxeen goobo loo cayiray inay dadku ku tukadaan.

10/15/2013 9:33 AM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay wargeys wabaahinta caalamka qaarkeed ku sheegay ay ciidamada Mareykanku ku qaadeen toddobaad ka hor degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose lagu soo wargeliyay.

10/15/2013 9:17 AM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Mahamet Salah Anndif iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay taliyaha guud ee ciidamada midowgga Africa AMISOM Jen Andrew Gutti ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

10/15/2013 9:09 AM EST
Talaado, October 15, 2013(HOL) :- Munaasibadda ciidda barakeeysan ee ciidul Adxa ayaa maanta siweyn looga xusay magaalada Kismaayo, iyadoona kumannaan qof ay isugu soo baxeen fagaareyaal kala duwan oo ku yaal magaalada Kismaayo.

10/15/2013 8:57 AM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Munaasabada Ciidul-Adxaa oo ka mid ah munaasabadaha ku weyn quluubta shacabka muslim-ka ah meel kasta oo ay joogaan, ayaa guud ahaanba siweyn looga maamuusay gobollada dalka Soomaaliya.

10/15/2013 4:43 AM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka qabta in kordhinta ciidamada AMISOM ay sabab u noqon karaan in laga adkaado Al-shabaab oo ka talisa deegaanno badan oo ka tirsan Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan magaalooyinka muhiim ah oo ay ka mid tahay degmada Baraawe oo 200-km koonfur kaga beegan Muqdisho.

10/15/2013 4:22 AM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa mamnuucay in Dad sita E-Passporka Soomaaliya aanay ka gudbi Karin xuduudda u dhexeysa Somaliland iyo Soomaaliya.

10/15/2013 4:13 AM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday habeen hore, ruux kalana wuu ku dhaawacmay ka dib markii nin la sheegay inuu maskaxda ka xanuunsanayo rasaas oodda kaga qaaday xaflad aroos oo ka dhacaysay miyiga magaaladda Gabiley.

10/15/2013 4:05 AM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Waaberigii hore ee saakka, ayaa dadweynaha ku nool goboladda Somaliland ku dareereen garoomadda waaweyn si ay usoo gutaan waajibaadka labadda Ragcadood ee salaadda ciidda.