4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2013
Saraakiisha Booliiska Magaalada Beledweyne oo soo Bandhigay Dhallinyaro ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo lasoo qabtay

Isniin, Oktoobar 14, 2013 (HOL) — Saraakiisha ammniga maamulka gobollka Hiiraan ayaa soo bandhigay shan dhalinyarro ah oo marar kala duwan lagu soo qabtay howlgalo laga sameeyay magaalada Beledweyne, kuwaa oo sida ay saraakiisha sheegeen ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Col Isaaq Cali C/dulle taliyaha qeybta booliiska maamulka gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadllay saldhiga booliiska magaalada Beledweyne ayaa sheegay shanta dhalinyarrada ah qeyb ka ahaayeen dilal iyo qaraxyo horay uga dhacay magaalada, dhinaca kalana ku howlanaayeen waqtiga la qabanayay falal amaan darro.

Dhalinyarrada la soo bandhigay ayaa kala ahaa C/rishiid  Faarax  Cabdi ( Dhega Caleen),  C/risaaq Axmed Nuur (Barqadle), Ibraahim Aadan Cumar,  Abuukar Yuusuf Xaaji Ibraahim iyo Xassan Cali Max’uud oo dhamaantood lagu eedeeyay in ay qeyb weyn ku lahaayeen falal  amaan darro oo marar badan oo kala duwan ka dhacay magaalada Beledweyne

Col Isaaq Cali C/dulle ayaa sheegay in raggan qaarkood qeyb ku lahaayeen dilkii afhayeenkii odayaasha dhaqanka, iyo weeraro lagu dhaawacay mid ka mid ah ganacsatada magaalada iyo qaraxyo horay looga fuliyay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Saraakiisha ammniga ayaa sheegay in ay sharciga la tiigsan doonaan dhalinyarrada ku eedeysan in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, mana aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale warbaahinta loo soo bandhigo dhalinyarro lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya